"Jidka Balli-gubadle Madaxwaynaha JSL ayaa ku Dhiiraday Dhismihiisa" Guddoomiyaha Gobolka Hawd

0
Thursday July 10, 2025 - 12:26:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jidka Balli-gubadle Madaxwaynaha JSL ayaa ku Dhiiraday Dhismihiisa" Guddoomiyaha Gobolka Hawd

    Guddoomiyaha Gobolka Hawd, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Hawd, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan


Guddoomiyaha gobolka Hawd, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) ayaa ka warbixiyay dhismaha jidka muhiimka ah ee isku xidhaya Balligubadle iyo Hargeysa, waxaanu sheegay in uu yahay jid Istaraatiiji ah, kaasi oo isku xidhaya labada gobol ee Maroodijeex iyo Hawd, sidoo kalena isku xidhaya dalalka Somailand iyo Itoobiya, isla markaasina wax wayn ka tari doono amniga guud ee gobolka iyo dhaqaalaha dalka.

 

Guddoomiye Saleebaan oo Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu sheegay in jidkani yahay mid halbawle ah, isla markaana uu fududayn doona isku socodka gaadiidka iyo bulshada, isla markaana uu kaalin weyn ka geysan doono kor-u-qaadista caafimaadka, waxbarashada iyo sidoo kale ganacsiga labad dal.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hawd, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Lama odhan karo waa waddo deegaan, balse waa waddo isku xidhaysa laba dal, waddadani waxay wax weyn ka taraysaa xagga ganacsiga, dhinaca isku socodka dadwaynaha ayay wax ka tari doontaa, sidoo kale dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada ayay wax ka tari doontaa, amniga iyo iska war haynta ayay wax ka tari doontaa, dhan kasta waddadaasi waa mid Istaraatiji u ah Jamhuuriyadda Somaliland”.

 

Guddoomiyaha gobolka Hawd ayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku boggaadiyay ku dhiirashada dhismaha jidkan waxtarka u leh mandaqada iyo gobolkaba, waxaanu yidhi "Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku dhiiraday isaga oo aan muddo lixdan maalmood ah xilka haynin inuu waddadaasi bilaabo dhismaheeda.

 

Ilaa imikana waxay u socotaa sidii loogu talagalay, waxaanu rajaynaynaa insha Allah in sannadkan gudihiisa jidkaasi oo 45KM ah dhamaan doonto”.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sharraxay ahmiyadda jidkani u leeyahay guud ahaan dalka, waxaanu yidhi "Jidkani ahmiyad aad u wayn ayuu noo leeyahay, gobolkani waa gobolkii halganka Somaliland, waa xaruntii dalka laga xoreeyay, maanta waxay u tahay guul iyo farxad badan dadka gobolkuna aad bay u soo dhaweeyeen, waxaany u tahay in dadku dego oo ay halkan Hargaysa uga shaqo tagaan, maadaama aanay wax badan u jirin.

 

Sidii Hay’adda waddooyinka iyo madaxwaynaha ballan-qaadkiisa ku jirtay waa la wada dhamays tirayaa, waxana hadda labadaasi kiilomitir iyo 15KM oo ay ciidu garaacan tahay intaba waa la saarayaa, shan iyo toban kale ayaa la saarayaa oo waa qayb qayb, markaa dhinacna waxa laga dhigayaa carro kaawadii, dhinacna waxa laga dhigayaa Daamurkii, markaa waddadaasi marnaba istaagi mayso, waxaana lagu rajo waynyahay in sannadkan guhiisa ay dhamaato”.

 

Guddoomiye Saleebaan waxa uu xusay in aanay u kala hadhin shacab iyo ka maamul gobol ahaan sidii jidkaasi ay uga qaybqaadan lahaaye, waxaanu qiray inay kaalinta muuqata ka qaateen bulshada gobolka Hawd iyo maamulka degmad Balligubadle iyo sida ay isku barbar taageen shaqaalaha jidka ka shaqaynaya, wxaanu yidhi "Annagu umaanaan kala hadhin wixii awoodayada ah ka gobol ahaan waan ka qayb qaadanay, waxan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dadwaynaha gobolka Haw doo dhammaantood ka qayb qaatey iyaga oo degmooyinka ay Xoolaha nool ku taageerayaan shaqaalaha shaqaynaaya oo mar walba ay u keenayaa, waxa kale oo aan aad ugu mahadcelinayaa dawladda hoose ee degmada Balligubale oo Maayirku hoggaaminayo oo iyaguna runtii wax kasta oo gaabta oo loo baahdo ku kordhiya oo bixiya, haddii ay agafyo tahay, haddii ay ruglayda tahay, haddii ay Booyada rusjaynaysa tahay, wax kasta way ku dedaalayaan.

 

Waxa kale oo iyaguna dedaal kale wada guddi uu leeyahay gobolka Haw doo isku xilqaantay in waddadaasi Balligubadle Hargaysa dhisanto, muddo badana ku taamayay iyaguna si fiican bay isku kaaya barbar taageen oo ay uga shaqeeyaan, anaguna gobol ahaan waanu isku xidhnaa, waanu ka shaqaysiinaam, gelin ka hore iyo gelinka danbeba jidka waanu kormeernaa, shaqadaasina waanu ku jirnaa”.

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in guud ahaan gobolka ay ka jirto abaar ay la qabo gobollada dalka qaarkood, waxaanu xusay inay jirto roob yaraan baahsan iyo in aanu roobku si fiican u wada helin gobolka, waxaanu yidhi "Gobolka Hawd roobku wuu ku yar yahay oo roob yaraanta wuu la qabaa gobollada, intaasi gobollada ka jirta ayaa ka jirta gobolka Hawd, magaalooyinka qaar imika Belli-cabbane oo kale Barkado iyaga oo dirsan baa biyo galeen, waa laga soo guuray waxa la isgu yimi Banka Gumburaha, Saylla oo kale dhinaceeda shishe waa abaar.

 

Abaartu way jirtaa walow meelaha qaar doog jiro oo aanay ka daraynin balse cirkii di’I hirey gu’ga ee loo bartay ma di’in sannadkan aad bay u yaraayeen”.

 

Gaba-gabaddii gudoomiyaha gobolka Hawd Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) ayaa bulshada gobolka Hawd ugu baaqay inay ilaashadaa amniga sidoo kalena ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugida amniga, waxaanu yidhi "Guud bulshada Somaliland waxan ugu baaqayaa inay ilaashadaan amniga iyo nabadgelyadda, una feejignaada dalkiina, waxa kale oo aan u dirayaa dhammaan dadwaynaha gobolka Hawd, inay ka qayb qaateen sidii ay horeba uga qayb qaadanayeen ay isku barbar taagaan jidka gobolka Hawd sidii uu u dhammaan lahaa, wixii ka gobol ahaan looga baahdona ay is dhinac taagi lahaayeen.

 

Waxa kale oo aan ku baaqayaa in nabadgelyadda la adkeeyo maadaama uu gobolku xudduud ku yaallo, lana shaqeeyo ciidama amniga, gacana lagu siiyo wixii dhib dalka u soo wada”.


Loading...
Loading...