Dood Dhex Martay Cumaamad, Koofiyad Iyo Siyaasad (Abdi-Shotaly).
*N.B Nin-ba Tiisa, Togog La Xushaye, Yaa U Kala Talin.
Akhristaw, waxa la yidhi " Balaayo intay kaa maqan tahay baad nabad qabtaaye, ee bal ila akhri waxa kala haysta 3da cinwaanka sare ku qoran, oo uu mid-ba
kastaaba uu gooni-diisa u yaaban yahay, kuwaa oo kii waliba labadda dhaban is-hayo, oo yaab iyo amakaag u dhamaaday, wax ay ka sameeyaana garan la' kuwa mid-ba gaar-kiisa ugu adeeg-sanaaya, bal hadaba ila akhri dooddii dhex martay waa tane:-
Cumaamad:- Baa u horeysay hadalka oo tidhi, waa duni aakhir samaan, bal ila eega kuwa garbaha i saaray, illaahaw iga bad-baadi kuwan, oo dadkii aan sharafta ku lahaa ee i qaadan jirey, nabad iyo sama doonka ahaa, waxa ii bedelay koofiyad-bacle igu shaqaysta, isku dirka beelaha loo adeeg-sado, maxaan cunaa ah, oo nin dan lihi ku shaqaysto, oo uu mid beelo-gube ahi shukaanta u hayo, kolba siduu doono saliidda ugu qabanaayo, kaas oo laga soo daba tuuray " SALDADDII GUUNKA AHAYD" Sidda Suladaan Guud ee Awal ( Suldaan Xasan), Guddmiyaha Gudida Garxajis (Cade-Gude), Ugaaska Arab ( Ugaaska Subeer Celi), Dhamaan Madax-dhaqmeedka H.Jeclo, sidda Sul. Maxamuud Guuleed Mire, Boqor buur-Madaw, salaadiinta iyo boqoradda Gabooye, Sul. Maxamuud X. Xuseen, Sul. Saciid Yuusuf X Ducaale, iyo kuwa Ayuub, Toljeclo iyo qaar kaloo badan.
Koofiyad:-Baa iyana tidhi, Cumaamadeey wax-ba maad arag, ee hadaan kuu sheego kuwa madaxa i saaray, yaabku waa meel soke'e, nolol-ba waad ka quusan lahayd. Waxay tidhi koofiyadi, waxan eeday bacad-laha, oo cid kasta oon i Geyini iga soo iibsa-daan, dhibta i haysa waa kuwa i sita ee " Maki Xaaji Banaadir, Sabeeye, Shaydaan Habaar, Denbi Madaw" Iyo itaal-baaska qaar ay kuwaasi ay sii dirtaan, waxay ku soo xidhay " Koofiyadi" Rabbaw maa la waayo bacadle meel ay iga soo iibsa-daan ha waayeene, ama madaxa ka goo kuwa aan ii qalmin meel ay i saaraan yaanay heline.
Siyaasad: Baa aad ugu qososhay Cumaamad iyo Koofiyad, oo tidhi cidlaad ka yaaban tihiine, ee hadaan idiin sheego kuwa igu ab-tirsadda, ee yidhaaha waxa nala yidhaahaa Siyaasiyiin dib baad u fadhiisan lahaydeen. Bal ka warama islaamaha hadh iyo habeen makarafoonka haysta, Cali Duul-duul, Arag Weerar, iyo qaar badan oo inta reer loo maqaar saaray isugu yeedha siyaasiyiin, sidda oodaa Rogan ( waa Bukaari), Cabdilaahi Dhegoole ( Darawal), Gafane Fuuray (Buuni), Jano-ka-Bood (Samaale), Xaliye (Xinif), Bakhti-dhego-weyn, iyo askarta Geenyo-Shaaximan-Shaaximan, Raggii ma adigaa ka hadhay, Cali madhane, Gudi baastadda Garxajis, Ibrahim Duufle, iyo ciyaal u furtay " YouTube,facebook iyo Twitter" kuwaas oo siyaasaddii lacag ku urursaddda. Waxay ku soo gaba-gabaysay siyaasadu hadal-keeddii, haddii aad tihiin " Cumaamad iyo Koofiyad" waxad ku cabansysaan madax iyo garbaha baa nala saaray,ee miyaad arag-teen beentii oo afar-qaadaysa, runta oo madaxa gacmaaa saartay, lagu ceeshaayo khiyaali, kolba beel loo adeeg-sanaayo, hantiddii ummadda lagu boobaayo, ummaddii oo kolba meel loo jeedinaayo, dagaal aan dhamaanayn, hadana aan laysu cadaysa-nayn, salaan aan niyad ahayn gacmaha la isi saaraayo, munaafaqa la iskala daba-wareegaayo oon hor iyo dabo kala lahayn iyo eedayn joogto ah oo ay qolo-ba-qolo ku hayso, misana biyaha hoos-tooda la iska haraati-yaayo. Guudka ka heshiis ah, hadana is cidhib tiraaya, Bilaash baad u cabanay-saane wax-ba maydin arag, ee iska aamusa.
*N.B Nin-ba Tiisa, Togog La Xushaye, Yaa U Kala Talin.
Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...