Guddoomiyaha Gobolka Selel oo ka Hadlay Abaar Ba'an oo Saamaysay Guud ahaan Nolosha Gobolka

0
Wednesday July 09, 2025 - 13:49:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Selel oo ka Hadlay Abaar Ba'an oo Saamaysay Guud ahaan Nolosha Gobolka

    Guddoomiyaha gobolka Selel waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Selel waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi



Guddoomiyaha gobolka Selel Mudane Cabdi Siciid Faahiye, ayaa si qoto dheer uga warbixiyey xaaladda guud ee gobolka Selel, waxaanu sheegay in deegaanka ay ka jirto abaar laba jirsatay oo saameyn ba’an ku yeelatay deegaanka iyo nolosha bulshada, gaar ahaan dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee deegaanka.

 

Guddoomiye Cabdi Siciid Faahiye wuxuu caddeeyey in dadka reer guuraaga ah ee ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha nool ay xaaladoodu aad u liidato, isla markaana ay hadda ku soo ururayaan tuulooyinka si ay u helaan gargaar iyo taageero degdeg ah. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa si weyn ugu baaqay in si degdeg ah loogu gurmado dadkaasi tabaalaysan isla markaana loo fidiyo kaalmooyin ay ka mid yihiin biyo, baad, iyo cunto.

 

Guddoomiyaha gobolka Selel waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan, isaga oo tilmaamay in abaarta deegaanka ka jirtaa ay saamayn xooggan ku yeelatay nolol maalmeedka bulshada reer guuraaga ah, kuwaas oo ay ka baxeen ama ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen. Wuxuu si gaar ah u xusay degaanno ay ka mid yihiin Cabdilqaadir, Madax-dadley, Jidhi, Ceel-gaal, Laagta-morohda, Kala-baydh, Xuseen, Fiqi-aadan, Daba-dilaac, Lowyacado, Xariirad iyo Boon, kuwaas oo dhamaantood ka siman abaarta.

 

"Dadka reer miyiga ah ee xoolo-dhaqatada ah aad bay u liitaan, xoolihii way ka baxeen. Bulshada deegaanku waxay ku tiirsan yihiin isu-socodka iyo ganacsiyada yar-yar, balse hadda xaaladdu aad bay u adag tahay. Baad iyo biyo toona lama hayo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu. Waxaanu si gaar ah u xusay degaannada ay abaartu sida xooggan u saamaysay, in kasta oo uu xaqiijiyay in abaartu ay saamaysay guud ahaan gobolka, "Gobolka oo dhan waxa uu si siman u wajahay abaarta, ma jiro meel aanay dhibaatadu gaadhin” ayuu yidhi.

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in deegaanka gobolka Selel uu noqday saxare aan muddo roob ka di’in, taasina ay sababtay kulayl daran iyo xaalad aad u adag oo saameysay dadka iyo duunyada. Wuxuu sheegay in deegaanka uu gaadhay heer baabuurtu ay mari kari waayaan dhulkii, taasina ay caqabad ku noqotay isu-socodka.

 

"Dhulku waa saxare, ciiddu way sii kululaaneysaa, baabuurtiina ciidii bay gelaysaa oo ma mari karto, cimiladuna waa mid aad u adag, taas oo ay sababtay roob la’aanta mudada dheer jirtay, sidaa darted dad iyo duunyo ba si aad ah ayaa roob loogu baahan yahay, abaartuna hadda way sii xoogeysanaysaa, waxaanay sababtay barakacayaal ku soo ururaya tuulooyinka, kaddib markii ay xoolahoodii ka baxeen, taasi oo muujinaysa heerka ay gaadhay dhibaatadu,” ayuu yidhi.

 

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in maamulka gobolka uu dadaal badan ka sameeyay gurmadka iyo samatobixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxaanu sheegay in ay gaadhsiiyeen caawimo intii karaankood ahayd. Balse ay haatan xaaladdu marayso meel u baahan gurmad ballaadhan oo ka yimaadda xukuumadda dhexe, ganacsatada iyo hay’adaha gargaarka.

 

"Anagu ka maamul ahaan wixii gargaar ah ee karaankayaga ah waanu bixinnaa. Laakiin xaaladdu hadda waxay u baahan tahay in si degdeg ah loogu soo gurmado dadkaas. Gobollada kale waannu ka jilicsanahay, sidaas darteed waxaan codsanaynaa in il gaar ah nalagu eego, oo si dhab ah loo garab istaago bulshada gobolka haddii Eebbe idmo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Selel Mudane Cabdi Siciid Faahiye.


Loading...
Loading...