Dhismaha Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka ee Caynaba: Tallaabo lagu Xoojinayo Ammaanka Qaranka
Waxaa si rasmi ah loo dhagax dhigay dhismaha iyo casriyaynta Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka ee ku yaalla magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar. Tallaabadaas oo ah mid muujinaysa dadaalka joogtada ah iyo iskaashiga xukuumadda Somaliland iyo bulshkeeda ee la xidhiidha horumarinta awoodda ciidamada qaranka. Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Badhasaabka Gobolka Saraar, Maayirka Caynaba iyo saraakiisha ugu sarreysa ee taliska aagga bari ee ciidanka qaranka Somaliland, taas oo muujinaysa is-kaashiga heer gobol iyo heer qaran ee fulinta mashruucan muhiimka ah.
Dugsigan oo ah xarun istiraatiiji ah oo isugu jirta goob tababar iyo degaan ciidan oo habboon, wuxuu door weyn ka ciyaarayaa diyaarinta iyo tayeynta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan taliska ciidamada ee aagga bari oo ay arrintani fursad u siin doonto soo saarista ciidamo carbisan.
Sarreeye Guuto Ismaaciil Faarax Doolaal oo halkaas ka hadlay ayaa si cad u muujiyey muhiimadda dhismaha cusub ee dugsiga tababarka Caynaba, isaga oo xusay in mashruucani yahay mid looga golleeyahay xoojinta tababarka, kor u qaadidda anshaxa iyo heegan ahaanshaha ciidanka. Waxa uu intaas ku daray in hirgelinta dhismahani noqon doonto mid ay iska kaashanayaan xukuumqdda Somaliland iyo shacabka deegaanka. Tallaabadaas oo ah tusaale cad oo muujinaya wada-jir iyo waddaniyad dhab ah.
Xukuumadda Somaliland waxay qaaday tallaabo wax ku ool ah oo ku salaysan in la horumariyo xarumaha tababarka ciidanka si loogu diyaar garoobo xaaladaha ammaanka ee is-bedbedelaya. Dhinaca kale iskaashiga noocan ah ee u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale astaan u ah dhismaha Qaranka oo ku salaysan kalsooni iyo wada-tashi.
Dhismaha dugsigan cusub ayaa la rajaynayaa in uu noqdo tiir muhiim ah oo lagu kobciyo kartida iyo daacadnimada ciidanka Qaranka ee Somaliland. Horumarinta Ciidanku waa tiirka ugu weyn ee adkeynta qarannimada.