Jaahwareerka Jaamacaddaha

0
Sunday July 28, 2019 - 12:25:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaahwareerka Jaamacaddaha

    10 sano ka hor Mark C. Taylor waxa uu jariirada New Yok Times ku qoray "Jaamacadaha aynu naqaano hala xidho".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

10 sano ka hor Mark C. Taylor waxa uu jariirada New Yok Times ku qoray "Jaamacadaha aynu naqaano hala xidho".

Dadka qaar ammakaag ayuu ku noqday qoraalkaasi, kuwo kale waa ay u riyaaqeen xaqiiqada ka buuxdan maqaalkaa. Waa aan soo dhaweeyey anigu sababta oo ah, kolka horaba waxa aan xasuustaa odhaah uu ka tagay Kofi Annan oo ahayd "nabadi jiri maayso haddii la waayo horumar".



Qoraalka oo uu markii dambe Taylor u bedelay buug la yidhaa "Crises on Campus", waxa uu uu jaamacadaha Maraykanka ku masalayaa Detroit - Detroit waa magaalo sida Burco wakhti ahayd muunadda Maraykanka hadda se sida Burco noqotay dargaddo laga guuray.


Taylor waxa uu hadalka ku furayaa: Jaamacadaheenu waxa ay soo saraan allaab - arday - aan ciddi iibsanayn. Waxa ay ardayda baraan xirfad aan suuqa waxba uga jarayn.


Taylor waxa uu leeyahay, mushkiladda jirta waa mid ka hadhay aragti uu keenay Emmanuel Kant. Kant oo ahaa faylasuufkii ugu horeeyey ee noqda barre jaamacadeed, waxa uu ahaa nin aan waligii guursan; dhalin ubbad; ka bixin magaladdii uu ku dhashay ee Konigsberg.


Kant oo nolosha ka yaqaanay khallad iyo sax - Deontology. Waxa uu 1798 sameeyey aragti waxbarasho, lix sanno ka hor geeridisii. The Conflict of the Faculties ayuu u bixiyey abla-ablayntiisa.


Aragtida Kant waxa ay ahayd: Jaamacaduhu ha noqdaan cidda kaliya ee samaysa waxbarashada; hana u kala fadhiyaan qaybo; mid waliba wax kooban ku tahay gaar. Macalin ku takhasusay cilmi gaar ah, ka yahay bare.


Taylor waxa uu leeyahay aragtidaasi shaqayn mayso maanta. Lix qodob ayuu ku beeninayaa aragtidaa gabawday ee ka jirta gayiga Soomaalida.


1. Ardayga in la baro cilmi gaar ah, maanta ma aha mid ka shaqaynaysa caalamka - Aragtidii "Division of Labour" waa ay dhimatay. Ardayga waa in la baro madooyin kala duwan si fursadiisa camal u korodho. Dhaqamo kala duwan sida luuqadaha hala baro ardayda.


2. Jaamacaduhu ha xaliyeen mushkilad. Jaamacad heblaayo culayska ha isugu gayso sidii loo xallin lahaa mushkiladda biyaha oo kale. Kulliyaddo kala duwan ha isugu tageen sidii mushkilad loo dabar goyn lahaa.


Waxa uu Taylor la yaabay sababta ardayda barata IR-ka loogu dhigi waayey diimaha. Taylor halkan waxa uu gujinaya aragtida galbeedku wataan ee Xamar ka dhalin wayday nabadda ee ah "Ignore people and maintain order".


3. Kuliyadaha iyo jaamacadaha haka dhexeeyo gacmo-is-qabsi. Collaboration.


4. Buugga la qoro PhD-da ee la yidhaa "Dissertation" hala joojiyo. Halkan sir wayn baa ku jirta. Tacliintu waa mid bilawga ballaadhan, akhirkana sida daloolka irbada ku ururto meel naqan.


5. Nolosha waxa kusoo biira mushkilada cusub, jaamacaduhu haka falceliyaan baahida kolba soo korodha. Dad baa jecel sabankan in laga qosliyo, ubad baa ku dhasha ammuumi - Autism - hadana ma jirto jaamacaddo bixiya xirfadahaa.


6. Jaamacadaha oo aan ku koobnayn baris bale baadhistu tahay burjigooda, maaha hal qof in uu ku dul-gaboobo madaxa cilmi-baadhista.


Wakhti go'an haloo callaamadiyo madaxda waaxaha, kolba ciddii soo kordhisa aragti cusubna ha abaal mariiyaan jaamacadduhu.


Taylor 2009kii wuxuu sii ishaareyey tacliinta lagu dhigto Online-ka oo ay sida nibiriga hadda Harvard iyo jaamacado kale u urursadeen malaayiin arday ah oo ku kala nool dunnida.


F.G. Aragtida Taylor iyo buu ka kooban yahay qoraalkani tafsiir Anigu aan saaray si uu waxtar ugu yeesho akhristaha Soomaaliga ah. Axmed-xiis Dharbaan Nantes France

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...