Itoobiya: Waan Sii Wadaynaa Heshiiskii Taariikhiga Ahaa ee Aan La Gashay Somaliland.

0
Tuesday July 08, 2025 - 17:17:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya: Waan Sii Wadaynaa Heshiiskii Taariikhiga Ahaa ee Aan La Gashay Somaliland.

    "Itoobiya iyo Somaliland waxay gaadheen heshiis taariikhi ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Itoobiya iyo Somaliland waxay gaadheen heshiis taariikhi ...


Addis Ababa – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa maanta si cad u muujisay in ay ka go’an tahay in la sii wado heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland horaantii sanadka 2024, heshiiskaas oo dhaliyey hadal hayn weyn gudaha Geeska Afrika.


Bayaanka oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in Addis Ababa ay diyaar u tahay inay horumarisayso xidhiidhka kala dhexeeya Somaliland, isla markaana ay u furnaan doonto suurtogalnimada aqoonsi rasmi ah.

"Itoobiya iyo Somaliland waxay gaadheen heshiis taariikhi ah. Labada dhinac waxay ka go’an tahay in la xoojiyo xidhiidhkooda, lana sii ambaqaado wada-shaqaynta siyaasadeed iyo dhaqaale,” ayaa lagu yidhi bayaankaas.

Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu safar rasmi ah ku joogo dalka Masar, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi. Kulankaas ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xidhiidhka sii murgaya ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen horaantii 2024 wuxuu dhigayay in:
• Itoobiya la siiyo marin badeed iyo saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland.

• Somaliland ay helayso in tallaabadaasi horseeddo aqoonsi rasmi ah oo uga yimaada Itoobiya.
Bayaan rasmi ah oo noocan ah wuxuu fariin cad u dirayaa beesha caalamka iyo dalalka gobolka – in Itoobiya aanay ka noqon heshiiskii ay la saxeexatay Somaliland.
Loading...
Loading...