Xog-hayaha Guud ee ururka UNPO oo fariin hanbalyo ah u soo Direy Madaxweynaha JSL.

0
Tuesday July 08, 2025 - 14:00:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-hayaha Guud ee ururka UNPO oo fariin hanbalyo ah u soo Direy Madaxweynaha JSL.

    Warqaddan waxaan ku muujinaya aqoonsi buuuxa iyo garawshiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqaddan waxaan ku muujinaya aqoonsi buuuxa iyo garawshiyo

Ururka ay ku bahoobeen dalalka aan la Aqoonsanayn ee (UNPO), ayaa bulshada Somaliland ku hanbalyeeyay xuska maalinta 26-ka Juun , taas oo ku beegan sannad-guuradii ka soo wareegtay markii JSL, xornimadeeda ka qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska sannadkii 1960-kii.

Warka ka soo baxay ururka UNPO, ayaa lagu yidhi "Iyadoo si qoto dheer loo xusayo taariikhda muhiimka ah ee 26-ka Juun, Xoghayaha guud ee UNPO waxa uu warqad hambalyo ah oo rasmi ah u soo diray Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.


Warqaddan waxaan ku muujinaya aqoonsi buuuxa iyo garawshiyo, kaas oo ku saabsan adkaysiga shacabka Somaliland iyo horumarka ay ka gaadheen, Dimuqraadiyadda iyo himiladooda joogtada ah ee dhismaha qaran madax-bannaan oo caddaalad ku dhisan.”

Warkan ka soo baxay xoghayaha guud ee ururka UNPO, ayaa lagu sheegay in JSL, ay tusaale fiican u tahay bulshooyin badan oo aan la aqoonsan.

"Somaliland waxay tusaale u tahay bulshooyin badan oo aan rasmi ahaan loo aqoonsan, balse leh aragti, hoggaan, iyo khibrad gacan ka geysan kara qaabaynta mustaqbal cusub oo caalami ah,"
"Go’aanka shacabka Somaliland, inkasta oo ay wali sugayaan aqoonsi caalami ah, waxa uu si dhab ah uga tarjumayaa qiyamka aasaaska u ah UNPO."Ayuu yidhi Xoghayaha ururka UNPO.
Loading...
Loading...