Agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda howla guug oo ka hadlay waajibaadka shaqo ee wasaaradaasi
Sidoo kale agaasimuhu faahfaahin uu ka bixiyey waaxdaasi dhulka...
Agaasime Axmed Maxamed, waxa uu sheegay in wasaaraddaasi qaranka u hayso howlo kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaalinta dhulka danta guud ah, kala xadeynta hay’addaha madaxa bannaan ee dowladda.
Sidoo kale agaasimuhu faahfaahin uu ka bixiyey waaxdaasi dhulka ee wasaaradda howlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland howlaha shaqo u igman tahay iyo sida xilkasnimada leh u ilaaliyaan dhulka danta guud ah, waxaanu agaasimuhu uu xusey in waaxdaasi wakiil uga tahay wasaaraddaasi qorsheynta dhulka danta guud ah ee masuuliyiinta wasaaradda howaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland, goobaha u qorsheeyaan dhulka danta guud ah, in xogtaasi wasaraddaasi u keydiyaan ka xafiis ahaan.
Dhinaca kalena, agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda howlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland Mudane Axmed Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in xafiiska waaxdaasi uu leeyahay kooxo heegan ah oo ka howlgala gobolladda iyo degmooyinka ee wadanka, waxaanu agaasimuhu xusey in shaqaalahaasi heeganka ahi ilaalinyaan dhulka danta guud ah, dhulkaasi oo ku kala yaala degmooyinka iyo goboladda kala duwan ee dalka.
Gaba-gabaddii agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda howlaha guud, dhulka iyo guryeynta somaliland waxa uu tilmaamay in dhammaan dhulka danta guud ah, kuna yaala goboladda iyo degmooyinka kala duwan ee dalku, u diwaangashan yihiin wasaaraddaasi oo wixii wax macluumaad ah, ee looga baahdo wasaaraddaasi, iyadoo xafiiskaasi waaxda dhulka ee wasaraddaasi laga soo heli karo.
Loading...
Loading...