Ururka qareenada Jsl Oo Go,aano adag soo saaray.
Ujeedo:- Cambaarayn iyo Iftiimin Qoraalka talo soo jeedinta ah kuna tar;6/7/2025.
Ku: Dhamaan Xubnaha Ururka Qareenada Somaliland
Og: Xubnaha Hogaanka Ururka
Og: Wasaaradda Caddaalada JSL
Ujeedo:- Cambaarayn iyo Iftiimin Qoraalka talo soo jeedinta ah kuna tar;6/7/2025.
Waxaa Maalintii shalay oo tarikhdu ahayd 6/7/2025 war-baahinta lagu faafiyey qoraalka ujeedadiisu tahay
[Go’aan ka gaadhis Xalinta khilaafka iyo tabashooyinka ka jira Habsami u socodka u diyaar garowga doorashada 6-aad ee Maamulka Ururka Qareenada JSL].kaas oo ay soo qoreen 5 Xubnood oo sheegtay inay yihiin Mus-danbeedka Ururka qareenada Somaliland, Xubnahan oo aan ka mid ahayn hogaanka ururka qareenada JSL ee lagu doortay shirwaynihii 5-aad Ururka SOLLA wax masuuliyad ah oo ay ururka u hayaana aanay jirin.
Ururka qareenada Somaliland waa urur madaxbanaan oo jiray muddo 21 sannadood ah, kuna aas-aasan Xeer hoosaad sharci oo u gaar ah laguna maamulayey muddadaa 21 sano ah si buuxdana ugu caddahay qaab-dhismeedka Maamul ee Ururku u shaqeeyo go’aamana u gaadho.
Kuma jirto qaab-dhismeedka Ururka Magaca ay adeegsadeen Xubnahani ee ah Mus-danbeedka Ururka sida ku cad Qod; 11-aad ee Xeer-hoosaadka Ururka.
Sida ku cad Qod; 13-aad xeerka ururka awoodaha qabashada, Maamulida, magacaabista guddida qaban-qaabada, muddaynta shirka, intaba waa awood u gaar ah Hogaanka ururka. Masuuliyada qabsoomida shirkuna waa mid u gaar hogaanka ururka iyo guddida-qaban-qaabada ee ay igmadaan Guddoomiyaha iyo hogaanka ururku.
Xubnaha Ururku waxay leeyihiin Xuquuq siman ururka dhexdiisa marka laga hadlayo shirwaynahana Xubnaha waxay Xaq u leeyihiin inay u tartaman hogaanka ururka ama codeeyaan iyada oo la raacayo Qod 8-aad ee Xeer hoosaadka Ururka.
Marxalada ololaha doorashada Ururka, Xubnaha ururku waxay leeyihiin xuquuq siman, dhinacna uma yeedhin karo dhinacyada kale ee tartamaya, xubnaha soo saaray qoraalka ay ku sheegeen go’aanka ee ku taariikhaysan 6/7/2025 Xaq uma leh waxaanu ku koobanyahay naftoooda saamayna kuma laha geedi socodka shirka iyo howlaha diyaar-garowga shirka midna .
Ururka qareenada Somaliland ee SOLLA waa urur Madax-banaan waxaanu ku dhisanyahay fikirka iyo mabaa’diida Xorta ah mana jirto cid fara-galin ama saamayn ku yeelan karta howlihiisa gaarka ah iyo qabsoomida shirwaynaha oo ku salaysan tartanka xorta ah, waxaanu si laab-furan u soo dhawaynayaa Xubnaha danaynaya inay u tartamaan hogaanka ururka.
Ururka qareenadu wuxu leeyahay nidaam uu u xaliyo khilaafyadiisa ama kala duwanaanshaha aragtiyaha xubnaha Ururka, qoraalkan ay soo saareen Xubnahan sare ku xusani waa mid sharci daro ah oo lagu wiiqayo sumacada iyo karaamada ururka iyo geedi socodka qabsoomida shirwaynaha 6-aad ee Ururka.
Guddida qaban-qaabada ee ku howlan qabashada shirwaynuhu waxay shaqadooda u gudanayaan hab-waafaqsan Xeer-hoosaadka ururka mana jiro wax xad-gudub ah oo ilaa hada muujinaya dhaxdhexaadnimo la’aan oo la caddeeyay.
Hogaanka ururku wuxuu diyaar u yahay inuu xaliyo cabasho kasta oo ay Xubno ama xubin ururka ka mid ah qabto oo la xidhiidha qabsoomida shirwaynaha waanu u furanyahay miiska wada hadalka iyo xalinta cabashooyinku.
![]() |
![]() |
ALLah Mohad Leh
Xasan Abdilaahi Cawaale --------------------
Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland SOLLA
Loading...
Loading...