"Maalintii ilaa kun qof ayaa xadka Jabuuti ka soo gudba oo xaggaa baxaya, amnigoodana anaga ayaa sugna" Guddoomiyaha gobolka Salel
Waxaanu yidhi. "Guud ahaan gobolka Sellel, amniguna aadbu u fiican yahay...
Guddoomiyaha gobolka Salel Cabdi Siciid Faahiye oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Dawan, ayaa ka warbixiyay amniga guud ee gobolka, waxaanu xusay in gobolku nabdoon yahay.
Guddoomiyaha gobolka Salel ayaa sidoo kale sheegay in xiligan xaggaaga ah ay bulshado badan oo reer Jabuuti, ah ka soo xaggaa baxayaan dalkaasi, waxaanu ku qiyaasay dadka reer Jabuuti ee maalintii soo galay Somaliland inay yihii 1000 qof.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in amniga iyo nidaaminta dadkaasi ay xil wayn ika saareen, sidoo kalena ay ciidamada Booliska iyo Milatarigu ka shaqeeyaan hawshaasi
Waxaanu yidhi. "Guud ahaan gobolka Sellel, amniguna aadbu u fiican yahay, hadda waxa lagu jira wakhtigii Xaggaaga, kuleyl badan ayaa jira, aad iyo aad ayay u badan yihiin dadka ka soo Xaggaa baxaya dalka Jabuuti ee imanay JSL, celcelis ahaan maalintii ilaa kun qof ayaa xadka ka soo gudba, amnigoodana anaga ayaa sugna, si dhaw ayaanu ula shaqeynaa, hab ayaanu u dejinay aanu dowladda Jabuuti iyo anagu kawada shaqeynay in xadka Somaliland marka ay soogalaan wixii adeegyo ay u baahan yihiin aanu u qabano.
Kulaylka gobolka ka jira awgii waxa uu gudoomiyuhu sheegay in wacyigalin siiyaan Iskaashatooyinka gaadiidka si ay isku caawiyaan, rakaabka ay sidaana geeyaan deegaanada biyaha leh
Waxaanu yidhi "Iskaashatooyinka gaadiidka ayaanu wacyigelin siinaa, gaadhi haddii uu ka jabo gaadhi kale ayaa loo keena, shanta galabnimo wixii ka danbeeya ayuunba xaggeena laga soo baxaa, goobaha dadka la siimarinayaa waa Ceel-gaal, Laagta-morohda, Geerisa, Bariisle iyo degaannada kale ee biyuhu ay yaalaan ayaa lala eeganaya dadka maxasta ah.
Ciidamadii booliska iyo milateriguba way joogaa, meelkasta ciidamadeeni ayaa jooga oo amnigooda iyo nabadgelyada ay ku safrayaan xil weyn ayaanu iska saarnay oo aad iyo aad ayaanu u ilaalina,”
Loading...
Loading...