Shacabkii Reer Suuriya ee Gobta ahaa..oo Hargeysa ka dawarsanaaya!!! Waa ayaan ba Ayaan!!!

0
Sunday July 28, 2019 - 12:21:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabkii Reer Suuriya ee Gobta ahaa..oo Hargeysa ka dawarsanaaya!!! Waa ayaan ba Ayaan!!!

    Xalay Masjidka Al-raxma ee ku yaalla hargeysa oo aanu maqribkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xalay Masjidka Al-raxma ee ku yaalla hargeysa oo aanu maqribkii

..ku tukanay.waxa hortaagneyd...islaan reer suuriya ah oo ka mid ah...dadkii dagaalada suuriya ku soo barokacay.Suuriya 2001dii oon tagay..waxay ahayd meel barwaaqo ah oo qof waliba uu leeyahay xirfad uu ku shaqeysto.suuriya ka sakow inay ay ku taalo deegaanka loo yaqaano(Shaam) oo ah...meel ilaahay barakeeyey oo ay ku yaallaan...Aasaartii qadiimiga ahayd ee Islaamku lahaa...waxay ahayd meel dadkeedu wada qurux badnaayeen oo ilaahay quruxda adduunka qayb libaaxle ka siiyey.hooyadaasi caawa waxay ka hor dawarsaneysay ama dadka weydiisaneysay in la kaalmeeyo..dadkeena reer somaliland waa gob ..Carrur iyo Cirroole waa loo buuxiyey faraqa iyo Zaadka ba .!.iyaguba gob ayey ahaan..jireen.! habeenkii aad ka dagay Madaarka Caalamiga ah ee caasimadda Dimishiq...inta aan galay safkii ajaanibka ayey rakaabkii isoo jiideen oo ay isoo galiyeen safkoodii oo ay igu yidhaahdeen.. (adigu ma tihid ajaanib..safkayagan soo gal.)!!Reer suuriya ismay lahayn Hargeysa iyo Itoobiya ayeydun ka dawarsan...laakiin adduunku waa ayaan ba ayaan...! yamun laka..wayawmun li qayrika.Reer suuriya ilaahay dalkoodii Nabad iyo Xasilooni ha ka dhigo.!!Amiin.

 

Qore: C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).

Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan College for English.

Email:[email protected].

Facebook:abdiazizyonis.

Tell: 063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...