Xukuumada JSL oo Dardar Gelinaysa Tayeynta iyo Ilaalinta Halbeegyada Dhismayaasha Waxbarashadda
Heshiis taarikhi ah ayaa shalay lagu kala saxeexday magaalada Hargeysa, kaas oo u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland. Waa tallaabo astaan u ah isbeddel muhiim ah oo xoojinaya xidhiidhka ka dhaxeeya hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Tani waa tallaabo si xeel-dheer u qorshaysan, laguna horumarinayo baahiyaha asaasiga ah ee tayaynta dhismayaasha waxbarashada oo saldhig u ah mustaqbalka Somaliland.
Heshiiskan, oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyeynta, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa si gaar ah xoogga u saaraya hirgelinta dhismayaal waxbarasho oo tayo leh, kuwaas oo uu maalgelinayo Mashruuca Bangiga Adduunka. Qodobka muhiimka ah ee heshiiskan ka muuqda, ayay ka mid yihiin in la hubiyo in xarumaha waxbarasho ee la dhisayo in ay buuxiyeen halbeegyada caalamiga ah ee looga baahan yahay, tani waxay si cad u muujinaysaa rabitaanka dowladda ee ah in aanay kaliya dhisin dhismayaal, balse ay dhisayaan mustaqbalka ardayda iyo bulshada guud ahaan.
Wada shaqeynta labada wasaaradood waxay muujinaysaa isbeddel ku wajahan qorsheyn ku dhisan waxqabad iyo kormeer tayo leh, iyadoo la adeegsanayo khibradda Xubnaha Fulinta Mashruucan. Qorshahan cusub ee xukuumadda Somaliland ayaa ah nidaam casri ah oo hubinaya in ardaydu helaan degaan waxbarasho oo ammaan ah, casri ah oo la jaanqaadaya duruufaha deegaanka iyo baahiyaha bulshada.
Waxaa muuqata in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee waxqabad iyo wadajir ay u jeedsatay sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa heer sare oo la jaanqaadi kara halbeegyada waxbarashada ee caalamiga ah, iyada oo ka faa’iidaysanaysa isla markaana kaashanaysa fursadaha maalgelinta caalamiga ah. Mashruucan ayaa la rajaynayaa in uu yeesho saameyn waara, gaar ahaan xoojinta sinnaan fursadeed iyo horumarinta tayada dhismayaasha waxbarashada ee gobollada kala duwan ee dalka.
Ugu dambayn, heshiiskan waxa uu noqon karaa tusaale rasmi ah oo laga qaato sida iskaashi dhexmara hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ahi uu u yeelan karo natiijo midho-dhal ah iyo wax-ku-oolnimo la xidhiidha tayaynta waxbarashada iyo casriyaynta dhismayaasha waxbarashada dalka.