Gudida Joogtada ee Golaha Guurtida JSL oo u Ambo-naxay Agabar
Guddida Joogtadda ah ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo gudanaya waajibaadka ay Qaranka u hayaan ayaa hawlo shaqo ugu baxay gobolka Gabiley, si ay kaalintooda muuqata uga qaataan khilaafka ka taagan deegaanka Agabar.
Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa ku horaynaya magaalada Gabiley, halkaasi oo ay kula kulmi doonaa madaxda gobolka, si ay warbixin uga helaan xaaladihi u danbeeyay ee degmada Agabar iyo tallaabooyinka ay xukuumadu qaaday ee la xidhiidha xal u helista xaaladii dhimashada iyo dhaawaca sababtey ee ka dhacdey degaankaasi.
Guddida joogtada ee golaha guurtida, ayaa kullamo kala duwan la qaadan doona ergooyinka nabada ee jooga degaanka Agabar, si ay wax uga weydiiyaan halka ay marayan xal u helista shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degaankaasi ee salka ku haysay macdan qodista laga wado degaankaasi.
Guddida ayaa degaanka Agabar ee degmada Gabiley, u tagey turxaan bixinta wax kasta oo kala fogeyn ku keeni karta dadka degaanka iyo inay doorkooda ka gole guurti ahaan ka qaataan sidii loo gunaanadi lahaa xaaladaasi, iyaga oo ku waanin doonaa waxkasta oo ay isku hayaan dadku in dhulka la dhigo isla markaana la isaga yimaado waxkasta oo la isku khilaafsan yahay wada hadal lagu dhammeystiro,