Roobab xoogan oo ku dhuftay gobolka Taksas

0
Sunday July 06, 2025 - 11:06:59 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab xoogan oo ku dhuftay gobolka Taksas

    Dadkan Roobabka iyo Daadadku galaafteen ayaa xaflad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkan Roobabka iyo Daadadku galaafteen ayaa xaflad
May be an image of body of water



Saraakiisha Gurmadka Degdega ah ee Gobolka Taksas ee Dalka Mareykanka ayaa maanta sheegaya in Afar iyo labaatan Qof ku dhinteen Roobab xoogan iyo Daadad ku dhuftey Gobolkaasi, gaar ahaan Degmadda Keer , halka ilaa shan iyo labaatan Qof aan ilaa imika la heyn geeri iyo nolol mida ay ku sugan yihiin.

Dadkan Roobabka iyo Daadadku galaafteen ayaa xaflad ku qabsadey goob Webiga ku dhaw, taas oo uu ku fatahay , halka Roobab xoogan oo aan kala joogsi laheyn ay haleeleen dadkaasi , iyadoo ilaa Aafar boqol iyo Afartan Qof laga soo badbaadiyey Daadadka Rogmanaya.

Hase-ahaatee, Madaxweynaha Dalkaasi Mr Doonal Taraam ayaa ku dhawaaqey in Daadadku yihiin Masiibo dabiici ah oo uu aad ugu xun yahay , isagoo amrey in Gurmad balaadhan loo sameeyey ,si Dadka looga badbaadiyo daadadkaasi iyo Wabiga fatahey.

Geest kale, Kooxaha Gurmadka Degdeg ah ayaa sheegay in joogga Biyaha Wabigu qiyaas ahaan ay gaadheen Afar iyo labaatan heerka lagu cabiro qiyaasta biyaha qulqulaya webiga
Loading...
Loading...