" Hala kaco, Xoolihi Waxay u Hadhayaan Raxan-Raxan" Suldaan Dhawal.

0
Sunday July 06, 2025 - 11:01:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    " Hala kaco, Xoolihi Waxay u Hadhayaan Raxan-Raxan" Suldaan Dhawal.

    Suldaan Maxamed Daahir Dhawal ayaa ganacsatada, qurba-jooga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Maxamed Daahir Dhawal ayaa ganacsatada, qurba-jooga


 Deeganada miyiga ee gobolka awdal ayaa waxa ku dhufatay abaar baahsan taasi oo saamayn ku yeelatay dadka iyo xoolaha iyadoo meelaha qaar lagu soo waramayo in ay bilaabantay dhimshada xoolaha.

Abaarta ayaa timid ka dib markii Roobab kii guga uu dibu dhac ku yimid xiligiii la rajaynayey inay da,aan taasina ay keentay inay xoolihi ku yaraadaan calafkii iyo biyihii halka meelaha qaarna laga sheegayo in xoolihii ay ka dhamaadeen calafkii ama caleentii sanadkii hore loo tabcay sidii ay wakhitiga jiilaalka ugaga baxaan xooluhu sidoo Kalena ay dhamaadeen Balayadii iyo Baraagihii ay biyaha ka cabbi lahaayeen.


Gudoomoyaha Gobolka Awdal Maxamed Xasan jaamac Xoday oo saaka kulan deg-dega ah is kugu yeedhay qaar ka mid ah Odayaaha, Cuqaasha dhaqanka iyo Culimada Gobolka Awdal ayaa halkaasi oo lagu magacaabay gudiga taakulaynta ee dadka Abaaruhu ku dhufteen.

Gudoomiye Xoday oo hadlay ayaa sheegay in sababta ay gudidan u magacaabeen ay tahay in tashi iyo falaynqayn dheer oo ay saaka yeesheen ka dib xaaladda Abaareed ee gobolka ka jirta, oo hada meel adag maraysa ay qasab noqotay in la sameeyo guddi ay ugu magac dareen gudiga taakulaynta Abaaraha taasi oo ka shaqayn doonta sidii laysu garab istaagi lahaa dadka ay Abaartu saamaysay oo wakhi xaadirkan u baahan garab istaag buuxa.

Suldaan Maxamed Daahir Dhawal ayaa ganacsatada, qurba-jooga iyo cidkasta oo wax ku tari karta dadka ay Abaartu ku dhufatay ugu baaqay in maanta ay tahay maalin dadka xoola dhaqatada gobolku u baahan yihiin in la garab istaago, waxanu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan u diyaar garoobaan, isagoo xusay in Abaarta daba dheeraatay awgeed hada dhimashada xooluhu ay bilaabantay.

”Waa imtixaan laysku eegayo ka xoolaha haysta iyo kan kale, waa maalmihii ninka maalka haystaa imtixaanka uu baasayey ama uu dhacayey, waxan lee yahay hala diyaar-garoobo oo hala sarakaco, ganacsatada, qurbajooga, ka wax yar ALLE u dhiibay iyo ka Waxbadan ALLE u dhiibay Rag iyo Dumar, Xoolihii markay arooraan ma soo fulayaan Raxan Raxan ayey u hadhayaan” ayuu yidhi Suldaan Dhawal.
Loading...
Loading...