Balanqaadkii Rumoobey
Tobankan kiilo mitir ee laamida la saaryo ayaa isku xidhaya
![]() |
Tobankii kiilo mitir ee ugu horeeyay dhismaha jidka Balligubadle iyo Hargeisa ayaa la saaray daamurkii.
Saaka aroortii ayay shaqaalaha Wakaalada Horumatinta wadooyinka Somaliland ee ku hawlan Shaqada dhismaha wadada Balligubadle iyo Hargeisa ay ku bilaabeen daamurkii toban kiilo Mitir oo ka mid ah dhismaha jidka isku xidha Balligubadle iyo Hargeisa.
Tobankan kiilo mitir ee laamida la saaryo ayaa isku xidhaya degmada Gunburaha ilaa Magaalo xaali oo ah qaybtii ugu rafaadka iyo dhibka badnayd Wadada Balligubadle iyo Hargeisa , iyado laamiga la saarayo jidkuna uu yahay nooca ugu tayada fiican ee loo yaqaano Rooga sida ay sheegeen Masuuliyiinta Wakaadala Horumatinta Wadooyinka Somaliland iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland
Wasiiro ka mid ah Xukuumada Somaliland iyo madaxada Wakaadada Horumarinta Wadooyinka Somaliland ayaa ka qayb-galay ibo furka laamiga lagu saarayo tobankii kiilo mitir ee ugu horeeyay Wadada Balligubadle iyo Hargeisa oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland dhagax-dhigay, isago horana u ballanqaaday dhismaha iyo dhamaystirka wadada Balligubadle iyo Hargeisa oo mudo 30 saano ah Xukuumadihii kala danbeehay ee Somaliland mid kasta gaarkeeda u Ballan-qaadaysay.
Bulshada ku dhaqan Gobolka Hawd ayaa faraxd iyo Ididiilo fiican ka muujiyay qaabka ay u socoto dhismaha wadada Balligubadle Hargeisa oo Xukuumada Wada-jir iyo waxqabad ku hawlantahay dhismaheeda
Loading...
Loading...