Somaliland Aqoonsigeeddu Wuxuu Dib-u-qeexayaa Doorka USA ee Geeska Afrika iyo Badda-cas"
Warbixin ay daabacday warbaahinta The National Interest ayaa si cad ugu baaqday maamulka madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump inuu si rasmi ah u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo warbixintu sheegtay in aqoonsiga JSL aanu kaliya ahayn xaq-dhowr siyaasadeed, balse uu yahay fursad istaraatiiji ah oo Maraykanku ka faa’iideysan karo.
Warnixintan oo ay diyaariyeen Alec Birnbach iyo Benjamin Fogel oo ah la taliyayaal dhinaca ammaanka iyo siyaasadda ah oo ka tirsan dawladda Maraykanka, waxa kale oo ay sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay dawladdimo dimuqraadi ah, ciin iyo lacag u gaar ah, iyo baasaboor la aqoonsan yahay. Sidoo kale warbixintan waxa lagu sgeegay "Somaliland Waxay ka madax-bannaan tahay colaadaha, burburka, iyo argagixisada baahsan ee dawladda Muqdisho hadhaysay.”
Mareegta The National Interest waxa ay sharraxaad ka bixisay goobta istaraatiga ah ee ay Somaliland ku taallo, "Somaliland Waxay ku taallaa meel muhiim ah oo juquraafiyeed, beriga Badda Cas ee Bab el-Mandeb oo ah marin istiraatiiji ah oo 8% saliidda dunida laga dhoofiyo.
Dekedda Berbera iyo madaarka – Berbera oo leh runway-ga ugu dheer gobolka ayaa noqon kara xarumo muhiim ah oo lagu xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ISIS, iyo weerarrada Xuutiyiinta,” ayaa lagu yidhi warbixinta, waxaanay intaasi raacisay "Somaliland waxay noqon kartaa xulafada cusub ee Maraykanka ee Afrika, taasoo si muuqata u xoojineysa loollanka awoodaha quwadaha waaweyn.”
Dhinaca kale, watbixintu waxay falanqaysay khayraadka dabiiciga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay, waxaanay tidhi "Waxaa la sheegay in Somaliland laga helay macdanaha muhiimka ah, sida rare earth minerals, kuwaasoo muhiim u ah warshadaha iyo teknolojiyadda.
Maqaalku wuxuu ku soo gabagabeeyay in maamulka Trump uu haysto fursad uu ku beddelo siyaasadda murugsan ee Geeska Afrika, isaga oo Somaliland u arka xulafo cusub oo dimoqraadi ah, degan, istiraatiiji ah, islamarkaana diyaar u ah iskaashi. "Aqoonsiga Somaliland waa tallaabo siyaasadeed oo geesinimo leh, waxayna dib u qeexi kartaa doorka Maraykanka ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.”