Jaaliyadda Somaliland ee Wales oo UK ugu Baaqay in ay Aqoonsato Madaxbannaanida Somaliland

0
Thursday July 03, 2025 - 12:41:44 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Somaliland ee Wales oo UK ugu Baaqay in ay Aqoonsato Madaxbannaanida Somaliland

    Shir-weynahan waxa soo qabanqaabiyay Profissor Iid Cali Axmed....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir-weynahan waxa soo qabanqaabiyay Profissor Iid Cali Axmed....



Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool Wales (UK) oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan shan iyo toban kun (15,000) oo qof, ayaa cod dheer ugu baaqay dawladda Boqortooyada Midowday (UK) in ay noqoto waddanka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Shirweynahan oo lagu qabtay xarunta Channel View Leisure Centre ee magaalada Cardiff, ayaa waxa ka soo qayb-galay kumannaan qof oo reer Somaliland, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska, madashaasi oo ahayd goob lagu muujiyay taageero xooggan oo ku wajahan aqoonsiga Somaliland, iyadoo dadkii halkaas isugu yimi si qiiro leh u xusayeen xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

 

Shir-weynahan waxa soo qabanqaabiyay Profissor Iid Cali Axmed (Salaan,) aqoonyahan Cabdikariim Aadan, Sire Cali Cabdi iyo dhammaan jaaliyadda reer Somaliland ee Wales (UK), kaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu muujiyoi taageerada qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, sidoo kalena dawladda Ingiriiska loogu baaqo in ay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Somaliland aqoonsada.

 

Warbaahinta Nation.cymru/news ee dalka Ingiriiska oo warbixin ka diyaarisay shirweynahan ayaa sheegtay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan ah, nabadgelyo, dimuqraadiyad, iyo xasilooni siyaasadeed, isla markaana ay soo jiidatay indha caalamka. Taas oo sababtay in dhawaan, kooxda baarlamaanka UK ee All-Party Parliamentary Group on Somaliland (APPG) ay soo saaraan warbixin rasmi ah oo ay si cad ugu baaqeen dowladda UK in ay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland, "Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay muddo 34 sanno ah si nabdoon u maamulaysay dalkeeda, isla markaana ay kamid tahay waddamada ugu dimoqraadiyadda badan Afrika, ayay tidhi Warbixinta Nation Cymru, waxaanay intaasi ku dartay "Warbixinta baarlamaanka UK, waxa sidoo kale lagu sheegay in Geeska Afrika uu noqday mid ka muhiimsan sidii hore, iyadoo Britain ay ku khasban tahay inay la qabsato isbeddelka caalamiga ah, oo ay dib u soo ceshato doorkeeda istiraatiijiyadeed iyada oo aqoonsanaysa Somaliland.

 

Professor Iid Cali Axmed, oo ah halgamaa weyn oo u ololeeya madax-bannaanida Somaliland, ayaa sacab xooggan ka helay dadkii madasha fadhiyay markii uu si toos ah ugu baaqay in UK ay hadda aqoonsato Somaliland. "Somaliland marar badan waxay dagaal ula gashay Ingiriiska si ay u difaacdo danihiisa, haatanse waxay mudan tahay in la ixtiraamo taariikhdeedii halganka,” ayuu yidhi.

 

Sidoo kale, Alun Michael oo ah xildhibaan hore, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Wales, haddana ah taliyaha booliska Wales, ayaa sheegay in Somaliland ay mudan tahay in la aqoonsado "Somaliland waxay mudan tahay in si degdeg ah loo aqoonsado iyadoo la tixraacayo dimuqraadiyaddeeda shaqeynaysa.

 

Ictiraaf la’aanta Somaliland waa mid aan caddaalad ahayn, waxaanayna joojisay fursado badan oo horumarineed,” ayuu yidhi Alun Michael.

 

Jaaliyadda Somaliland ee Wales waxay si cad u sheegtay in waqtigii la aqoonsan lahaa madax-bannaanida Somaliland uu yimid. Waxay u arkaan in UK ay leedahay xil gaar ah maadaama ay tahay dawlad taariikh ahaan saamayn weyn ku leh Somaliland, isla markaana ay ka faa’iidaysan karto xidhiidhkaas si ay dib ugu soo ceshato door muhiim ah oo caalami ah.


Loading...
Loading...