Wasiirka Madaxtooyada oo Faahfaahin Rasmi ah ka Bixiyay Safarka Weftiga Madaxweynaha JSL ee Dalka Qatar

0
Thursday July 03, 2025 - 12:40:03 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo Faahfaahin Rasmi ah ka Bixiyay Safarka Weftiga Madaxweynaha JSL ee Dalka Qatar

    Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay ujeedadada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay ujeedadada



Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa faahfaahiyay rasmi ah ka bixiyay socdaalkii weftiga Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tagay dalka Qatar, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ujeedada ugu weyn ee socdaalku ay ahayd horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland.

 

Wasiir Khadar oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada BBC-da laaneeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in socdaalka Qatar uu qayb ka yahay olole diblomaasiyadeed oo madaxweynaha Somaliland uu muddooyinkii u dambeeyay ku tagay dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Kenya. Kuwaas oo wasiirku sheegay in ujeedadoodu tahay in Somaliland ay hirgaliso iskaashi la taaban karo oo ay la yeelato beesha caalamka si kor loogu qaado maalgashiga, dhaqaalaha, iyo xidhiidhada siyaasadeed.

 

Wasiir Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay ujeedadada ugu weyn ee safarka madaxweynaha ee dalka Qatar iyo safarradii ka horreeyay ee madaxweynaha ayaa yidhi "Ujeeddada socdaalkaygu waxay qayb ka ahayd safarro uu madaxweynuhu muddooyinkii la soo dhaafay ku tagayay dalal dhowr ah. Tan ugu weyni waxa ay ahayd sidii ay Somaliland iskaashi ula yeelan lahayd waddamada adduunka. Hore waxa aanu u tagnay dalalka Imaaraadka Carabta, Jabuuti iyo Kenya,”

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay kulamo muhiim ah la qaateen madaxda ugu sarraysa dalka Qatar, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha dalkaas ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda, iyo Wasiirka Ganacsiga, isla markaana ay labada dhinac ka wada hadleen iskaashi dhaqaale oo ay yeeshaan labada dawladood.

 

"Waxaannu caalamka u sheegnay in Somaliland aanay ahayn dal gacmo madhan oo baahan, balse ay tahay dal ay fursado badan oo waawayni yaalaan oo la maalgashan karo, gaar ahaan dhinacyada xoolaha, kalluumaysiga, iyo beeraha, dawladda Qadar-na arrintaas ayaannu kala hadalnay, isfan na waanu ka gaadhnay,”” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi.

 

Wasiir Khadar waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in wefdi rasmi ah oo ka socda dowladda Qatar uu booqasho ku yimaaddo Jamhuuriyadda Somaliland si ay si toos ah indhahooda ugu soo arkaan fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland iyo khayraadka dihin ee ay leedahay.

 

Socdaalka Madaxweyne Cirro ee Qatar waxa uu ka mid yahay dedaallada sii xoogeysanaya ee ay Somaliland ku raadinayso in ay hesho xidhiidh diblomaasiyadeed iyo maalgashi toos ah oo ay ka hesho waddamada Khaliijka iyo guud ahaan caalamka. Is-fahamka laga gaadhay wada-xaajoodka dawladda Qatar waxa uu noqon karaa tallaabo horumar leh oo wax ka beddeli karta aragtida caalamka ee ku aaddan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarka.

 

Intii kulamadu socdeen, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wadahadleen fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Qatar, gaar ahaan sidii loogu abuuri lahaa fursado maalgashi, horumarinta ganacsiga, iyo in la dhiirrigeliyo xidhiidhka labada shacab.

 

Waraysiga wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa muujinaysa in Somaliland ay cagta saartay dariiq istiraatiijiyaddeed oo ay ku kasbanayso saaxiibo cusub oo ka kala yimaadda Bariga Dhexe, Afrika, iyo qaaradaha Yurub iyo Ameerika, taas oo waafaqsan himilada ay Somaliland muddo dheer ku doonaysay aqoonsi buuxa oo caalami ah.


Loading...
Loading...