Dib-u-eegis lagu Samaynayo Qorshe Hawleedka Wasaaradda Maaliyadda JSL ee 2024 ilaa 2028
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa soo xidhay kullan hawleed muddo laba maalmood ah u socday Agaasime waaxeedyada wasaaradda, kaasi oo la xidhiidha dib-u-eegis lagu samaynayo qorshe hawleedka wasaaradda ee shanta sanno ee 2024 ilaa 2028.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo kulanka xidhitaanka ka hadley ayaa sheegay in dib-u-eegistani timi maadaama oo xukuumad cusub dhalatay isla markaasina uu is badelay magacii wasaaraddu, kaasi oo wax ka badelay shaqada wasaaradda.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdillaahi Xasan Aadan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Aqoon is-waydaarsigii inoo soconayay labada cisho ee ku saabsanaa in aynu dib-u-eegis ku samayno, qorshihii xeeladaysnaa ee wasaaradda maaliyadda ee 2024 ilaa 2028, maadaama oo ay xukuumad cusubi dhalatay, isla markaan uu is badelay magacii wasaaradda oo wax ka badelaya hawl qabadkii wasaraadda.”
Dhinaca kale wasaiirka Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in la waafajinayo dib-u-eegistan, qorshaha xisbiga Waddani oo aan qorshihii hore waxba kaga jirin, waxaanu yidhi "Maadaama oo la gali doono qorshaha saddexaad ee Qaranka, maadaama xisbiga Waddani qorshihiisa ay ku jireen waxyaabo badan oo aan ku jirin qorshe siyaasadeedkii hore, waxa maamulka sare ee wasaaradda maaliyaddu go’aansaday in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshihii 2024 ilaa 2028, isla markaasina uu qorshahaasi hirgalo bishan aynu ku jirno July 2025”.
Gebo’gabadii wasaiirka wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan Agaasime waaxeedyada wasaaradda oo uu ku sifeeyay inay ay yihiin dad isku tiirsan oo dhinac u wada jeeda. Waxaanu yidhi "Waxaan aad u bagaadinayaa Agaasimeyaasha waaxyaha iyo ku xigeenadooda oo ah dad is ogol, isku tiirsan, wada shaqeeya oo dhinac u soo wada jeeda, shaqada ay Qaranka u hayaan ee wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaaluhu ay qaabilsan tahay”.