Somaliland & Qatar: Xidhiidh Ku Salaysan Maal-gashiga Horumarka iyo Iskaashi

0
Thursday July 03, 2025 - 12:36:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland & Qatar: Xidhiidh Ku Salaysan Maal-gashiga Horumarka iyo Iskaashi

    Diblumaasiyadda iyo Aqoonsi Raadinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diblumaasiyadda iyo Aqoonsi Raadinta



Safarka shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), uu ku joogo dalka Qatar waxa uu astaan u yahay wajiga cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, taas oo ah mid ku saleysan is-faham, dan-wadaag iyo iskaashi horumarineed oo sugan. Madaxweynaha Somaliland intii uu joogay dalkaasi waxa uu kulammo muhiim ah la yeeshay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Dowladda Qatar iyo hay’adaha horumarinta iyo gargaarka ee dalkaasi.

 

Kulamadan ayaa si qoto dheer loogu lafaguray arrimo ay ka mid yihiin horumarinta ganacsiga, maalgashiga, amniga gobolka, iyo mashaariicda horumarinta nolasha bulshada Somaliland. Waxa intaa dheer, in Madaxweyne Cirro si cad ugu caddeeyey madaxda Qatar in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad madax-bannaan oo 34 sanno si buuxda dalkeeda iyo xuduudaheeda u maamulaysay, dimuquraadi ah, xasiloon oo tusaale u ah Afrika inteeda kale, isla markaana aanay wax xidhiidh sharci ah la lahayn Dowladda Muqdisho.

 

Diblumaasiyadda iyo Aqoonsi Raadinta

 

Kulanka uu Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda ee Qatar, Dr. Maxammed Bin Abdulaziz Al-Khulaifi, wuxuu xambaarsanaa farriin qotodheer oo diblumaasiyadeed, taas oo ah in Somaliland ay diyaar u tahay inay la yeelato xidhiidh rasmi ah oo ku dhisan ixtiraam, iskaashi, iyo dan guud oo labada shacab ah. Arrintan ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa dedaalada Somaliland ee la xidhiidha raadinta aqoonsi caalami ah.

 

Dhaqaale Furfuran iyo Fursado Maalgashi

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu kulankii ay la yeesheen Wasiirka Ganacsiga Dibedda ee Qatar, Dr. Axmed Maxamed Al-Sayed, wuxuu iftiimiyay fursado waaweyn oo Somaliland u fidin karto ganacsatada Qatar. Kuwaasi oo ay ka mid yihin maalgashiga xoolaha nool, kalluumeysiga, batroolka, macdanta, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo dhammaan tood ah fursado dhif iyo nadir ah oo ay Somaliland qani u tahay, iyada oo Qatar ay si weyn uga faa’iidaysan karto goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, halkaas oo ah meel u dhow marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Iyada Somaliland ay ka dhisan tahay suuq xor ah oo sugan, nidaam canshuureed casri ah, iyo xeerar maalgashi oo la jaanqaadaya suuqyada caalamka.

 

Horumarinta Bulshada iyo Shaqo Abuurka Dhalinyarada

 

Kulanka Madaxweynaha iyo weftigiisu la yeesheen madaxda Sanduuqa Horumarinta Qatar (QDF) wuxuu daaha ka qaaday sida ay Somaliland ugu heelan tahay iskaashi horumarineed oo hufan. Waxa xoogga la saaray mashaariic lagu horumarinayo waxbarashada, caafimaadka, biyaha, iyo xirfadaha shaqo-abuurka. Sanduuqa QDF wuxuu door muuqda ka qaadan karaa horumar waara oo Somaliland gaadhsiiya mustaqbal cusub.

 

Gargaarka Bini’aadannimo iyo Wanaagga Guud

 

Kulankii Hay’adda Qatar Al Khayriya ee Qatar waxa uu ahaa mid sii xoojinaya gargaarka bani’aadannimo iyo taageerada mashruucyada bulshada. Hay’addu waxay ballanqaadday in ay kordhinayso kaalmada ay siiso Somaliland, taas oo wax ka taraysa nolosha dadka nugul, gaar ahaan xaaladaha abaarta iyo barakaca.

 

Gunaanad: Fursad Taariikhi ah oo Somaliland u Furantay

 

Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Qatar wuxuu noqday mid dhaxal-gal ah oo saldhig u noqon kara xidhiidh rasmi ah oo labada dal dhex mara mustaqbalka. Waa fursad ay Somaliland ku xoojin karto mawqifkeeda caalamiga ah, islamarkaana ku kasban karto saaxiibo istiraatiiji ah oo qayb ka qaata horumarkeeda.

 

Waa marag ma doon in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal la jaanqaadi kara isbeddelka caalamka. Iyada oo wakhti xaadirkan si weyn loo filayo in beesha caalamku ay ka jawaabto xaqa dastuuriga ah ee Somaliland u leedahay in ay ka mid noqoto waddamada caalamka, isla markaana lagu abaal-mariyo xasiloonida iyo nabadda, dimuquraadiyadda iyo horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsaday isla markaana loogu abaal gudo aqoonsi buuxa.


Loading...
Loading...