"Safarka Madaxweynuhu Wuxuu ku Yimid Farriimihii uu Caalamka u Kala Diray Xuskii 18ka May.."

0
Wednesday July 02, 2025 - 12:32:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Safarka Madaxweynuhu Wuxuu ku Yimid Farriimihii uu Caalamka u Kala Diray Xuskii 18ka May.."

    Sidoo kale waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ka waantoobaan,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ka waantoobaan,,,,



Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn u boggaadiyey safarkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku tagey dalka Qatar, kadib markii uu ka helay casuumad rasmiya.

 

Xildhibaan Khadar waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay qaab Diblamaasiyadeed u wadaan safaradooda, qorsheyaasha siyaasadeed ee ay caalamka u soo bandhigayaan iyo socdaalada diblumaasiyadeed ee ay ku tagaan dalalka Somaliland saaxiibka dhaw la’ah.

 

Sidoo kale waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ka waantoobaan wararka aan salka iyo raadka toona lahayn, isla markaana ay warka xaqiiqada ah ay ka sugaan madaxweynaha iyo weftigiisa. Xildhibaan Khadar Xuseen, waxa kale oo uu ka hadlay dabkii ka kacay buurta Daallo, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay, waxaanu soo jeediyay in qorshe laga yeesho waxna laga barto sababta soo celcelinaysa dabka buurta Daallo, dabkaas oo muddooyinkii u danbeeyay ku soo noqnoqonayay.

 

Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, waxa uu sidan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyay Wargeyska Dawan. Waxaanu yidhi."Safarka Madaxweynaha JSL, waxa uu ku yimid fariimihii uu dalalka adduunyada u kala direy xuskii 18-ka May, waxa mihiim ah in la sugo wixii ka soo baxa safarka madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa.

 

Ninkii hadlayaaba ha iska hadlee, sida xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wax u waddaa waa hannaan Diblamaasiyadeed”

 

Xildhibaan Khadar waxa uu sheegay in safarkii Madaxweynaha Somaliland uu mudnaan gaar ah u leeyahay dalka, maadama madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay ku hawlan yihiin aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaanu yidhi."Safarkani waa mid aad iyo aad u mihiim ah maadama aynu nahay dal doonaya aqoonsi ama dowladdaha Carabta ha noqdeen ama kuwa kale ha noqdeene, innaga meelkasta oo aynu danteena ka aragno waynu tageynaa, madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeynaynaa”

 

Xildhibaan Khadar Xuseen, waxa kale oo uu ka hadlay dabkii ka kacay buurta Daallo, waxaanu sheegay inuu ka xun yahay, waxaanu soojeediyay in qorshe laga yeesho waxna laga barto sababta soo celcelinaysa dabka buurta Daallo, Waxaanu yidhi."Buurta Daallo, waa goobaha mudnaanta gaarka ah leh ee JS, leedahay, waa goob dalxiiseed aad iyo aad ugu wanaagsan, marka waxa laga yaabaa dabkan soo noq-noqday in ay sabab u tahay Haashka Sigaar oo qof tuurey, isla markaana ay gubto kaymo dhan, markaa waxaan ka codsanayaa dadka sigaarka caba iyo kuwa dabka shidaba in goob ku haboon ay ku shidaan, kuna bakhtiyaan, dabku aad buu innoogu soo noq-noqday ee waa in wax laga bartaa, wasaaradda degaankuna in ay il gaar ah ku eegto oo ay qorshe ka yeelato ayaa mihiim ah”

 

Xildhibaan Khadar ayaa taliyaha ciidnaka dabdemiska iyo ciidankiisa ku ammaaney kaalinta nafhurnimada leh ee ay ka qaataan mar kasta oo ay dhacdo masiibo dab. Waxaanu yidhi."Taliyaha ciidanka dabdemiska JSL, waan ku boggaadinaya sida isaga iyo ciidankiisu uga hawlgaleen dabka ka kacay buurta dalxiiska ee Daallo, waxa haboon in la sameeyo fadhiisin ciidanka Dabdemisku leeyahay mar haddii dabkii soo noqnoqday, bulshadeenuna marka ay wax dhacaan aanay u dhaga-nugleyn”.


Loading...
Loading...