Habeenadii Madaxwaynaha JSL uu Joogay Qatar Filla Somalia May Gam'in."
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in safarka uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku tagay dalka Qatar uu ahaa mid guul ah, isla markaana horseedi doona iskaashi cusub.
Sidoo kale, waxay dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay hagardaamo joogto ah ku hayso Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha, ayaa sheegay in inkasta oo Qatar ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya, ay xukuumadda Somaliland masuul ka tahay inay qanciso xitaa dowladaha saaxiibka la ah Muqdisho.
Waxaanu yidhi."Adduunyada aaminsan midnimada Soomaaliya ayaanu la hadleynaa, annaguna waxaan dooneynaa inaan u caddeyno in madax-bannaanida Somaliland aanay waxba u dhimayn danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed, balse ay wax badan u kordhinayso. Warka kasoo baxay dowladda Qatar waa mid diblomaasiyadeed”
Wasiirka warfaafinta JSL, ayaa hoosta ka xariiqey in xarunta looga arimiyo Soomaaliya aan labadii habeen ee u danbeeyay aan laga seexan, oo ay walaac wayn ku haysay qaabka loo qaabilay madaxwaynaha JSL iyo weftigiisa.
Waxaanu yidhi "Filla Soomaaliya kamay gam’in labada habeen ee Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisu Qatar joogeen”.
Wasiirku wuxuu sheegay in hadallada diblomaasiyadeed iyo xaqiiqadu mar walba kala duwanaan karaan.
Waxaanu yidhi."Tusaale ahaan, waddamo taageersanaa weerarkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq, kharashkiisana 50% bixiyay, ayaa haddana cambaareeyay weerarkaas iyaga oo fadhiya Jaamacadda Carabta,”
Wuxuu intaa ku daray in socdaalka Madaxweynaha uu kusoo dhammaan doono guul, islamarkaana laga filayo maalgashi weyn oo kasoo baxa, wuxuu xusay in Qatar ay ka mid tahay dowladaha xidhiidhka dhaw la leh Maraykanka, sidaas darteedna loo baahan yahay in si qoto dheer looga dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay si gaar ah uga shaqeynayso hagardaamaynta Somaliland, islamarkaana ay doonayso inay dhul Somaliland ka mid ah ka dhigto maamul goboleed hoos yimaada, taasoo uu sheegay in lagu wiiqayo madax-bannaanida shacabka reer Somaliland.
Wasiir Ayaanle ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ka xuntahay socdaalka Madaxweyne Cirro uu ku tegay Qatar.
Waxaanu yidhi."Siyaasaddu waxay tahay in xataa cadowgaaga aad la shaqeyso haddii dantaadu ku jirto.
Haddii qof dagaal kugula jiro aad ku tiraahdo ‘Salaama calaykum’, 50% cadhoodkiisa ayaad dejisay,” .
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaan Sheekh Cali Ayaanle, ayaa bulshada bariga Sool, ugu baaqey in aanay ku hodmin dowladda Xasan Sheekh, oo uu sheegay inay bil saddex tahay, taasi oo ku sifeeyay in ay reerkaagana kaa kaxeyso reer kalena aanay ku gaadhsiin.
Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay in la dhammeystirayo wixii tabasho ah ee jirta iyo wixii la kala tirsaneyo.
Waxaanu yidhi. "Dadka degan bariga gobolka Sool, waxaan leenahay dowlada Xasan Sheekh waa bil saddex, bil saddexna waxa la yidhi ‘reerkaagana way kaa kaxeysa reer kalena kuma gaadhsiiso’, lugooyadaasi haku dagmina ayaan dadkayga leeyahay.
Wixii dhibaato ah ee ina dhexyaala waynu dhammeysaneynaa, waxaan kala tabaneyno waynu dhammeysaneynaa, waxaan kala tirsaneyno waynu isku celineynaa, innaga ayaa ILLAAHEY iskeen badey, balse bil saddexda haku hodmina”
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa bulshada uga warbixiyay khasaaraha uu gaystay badkii ka kacay Buurta Daallo, waxaanu sheegay in ka xukuumad ahaan ay gurmad deg degg ah u fidinyaan muwaadiniinta ku hanti waayay dabkaasi, sidoo kale waxa u wasiirku cadeeyay in aanay jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah
Waxaanu yidhi "Wax ilaa hadeer dhimasho ama dhaacaw ah oo ka dhacday oo khasaarahaasi ina gaadhsiiyay ma jiraan, way jiraan Beero badan oo uu baabi’iyay, oo aanu ILLAAHAY cawil kheyr qaba u waydiinayno muwaadiniintii halkaa ay waxyeeladu ka gaadhay, koley xukuumaduna aanay ka gacan la’aan doonin in dadkaa la caawiyo oo qaylo dhaan loo diro”.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in la xakameeyay dabkaasi ka kacay Buurta Daallo, sidoo kalena lagu guulaystay bakhtiintiisa
Waxaanu yidhi" inaga oo ka xun oo ka tiiraanyaysan dabkii shalay ka kacay Buurta wayn ee Daallo, oo runtii masiibo xaga ILLAAHAY ka timi ah, oo ay tahay in Somaliland ay u sabirto. Dabkaasi intiisii badnayd waa la xakameeyay oo ILLAAHAY inaga qaboojiyay, meel qiiq ka sii yara baxayo oo ah Buurta dhakadeeda oo la noo soo sheegayo mooyaane”.
Gebo’gabadii wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa tilmaamay inay gurmadka dabkaasi ay galeen dhammaan qaybha kala duwan ee bulshada Ceerigaabo, ciidamada Qaranka iyo ciidanka Dab-demiska, kuwaasi oo shaqo xoogan ka qabtey dabkaasi
Waxaanu yidhi "Ciidamada Qaranka ee kala duwan, dadwaynaha reer Sanaag, ciidankii Dab-demiska oo gaadiidkiisii u horeeyay ay gaadheen, intuba ay la tacaalayaan inay dabkaasi demiyaan, taasi waxaanu ILLAAHAY ka baryaynaa inuu halkaasi inagag qaboojiyo, waayo? Waa masiibo tabarteena ka wayn, ILAAHAY baanu gacmaha hoos haysanaa inuu inaga qaboojiyo damkaasi.
Wasiirka warfaafinta ayaa ka digay in siyaasiyiinta Somalland, qaarkood ay u fikiraan sida ay u fikirayaan kuwa Soomaaliya, waxaanu ugu baaqay inay horumarka iyo Aqoonsiga cagta la saaray ay gacan siiyaan.
Gaba-gabadii wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed-yaasin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in dunida Carbeed ay garwaaqsadeen, in dawladda Somaliland ay tahay dawlad jirta iyo ixtiraamaysa sharciyada caalamiga ah, isla markaana la isku halayn karo, sidoo kale ay ka garaabeen in aan Foosto xaga danbe ka bannaan aan la sii dhaamin karin oo ay u jeedaan Soomaaliya.