Booliska S/land oo ku biiray 40 dal Booliskooda

0
Sunday June 29, 2025 - 08:37:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska S/land oo ku biiray 40 dal Booliskooda

    Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan,
May be an image of 3 people, dais and text



Heshiiskan ayaa dhigaya in Ciidanka Booliska JSL uu si rasmi ah uga mid noqdo 40 dal oo ku bahoobay CPSU , Somaliland noqotay dalka 41aad , midowgaan oo ah hay’ad isboorti oo heer caalami ah oo kor u qaadda iskaashiga, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo horumarinta ciyaaraha Booliska ee waddamada xubnaha ka ah.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Danjire Xasan Daa’uud , saraakiil sare oo ka tirsan Taliska Booliska JSL iyo wafti sare oo ka socday Commonwealth Police Sports Union.

Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa sheegay in ku biirista CPSU ay horseedi doonto fursado badan oo dhanka isboortiga, tababarrada, iyo iskaashiga caalamiga ah ee ciidanka Booliska.

Dhankiisa, Mr. Sunil Kumar iyo , ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Somaliland ka mid noqoto xubnaha CPSU dalka 41aad , isagoo ku tilmaamay inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xidhiidhka ka iyo wada-shaqeynta Booliska caalamka.
Loading...
Loading...