Maanta 26-ka Juun waa maalinta ugu mudan maalmaheena Qaran

0
Thursday June 26, 2025 - 12:46:55 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanta 26-ka Juun waa maalinta ugu mudan maalmaheena Qaran

    Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa sheegay


Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa sheegay in maalinta ugu mudan maalmaha Qaran ee Somaliland ay tahay maalinta 26-ka Juun.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa sheegay in maalintani tahay maalinta ay si isku mid ah uga wada qayb qaateen bulshada Somaliland, u wada ciyaareen, u wada dabaaldegeen, una soo wada jeedeen habeenkaasi, waxaanu sheegay in ay tahay maalin aan qof ka murmi karaa jirin.


Gudoomiyaha ayaa guud ahaan shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyay sannad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimada qaadatay.

Gudoomiye Faratoon ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay munaasibad 26-ka Juun oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Loading...
Loading...