"Mareykanku dagaal kulama jiro Iiraan"

0
Monday June 23, 2025 - 09:46:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mareykanku dagaal kulama jiro Iiraan"

    Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray qaar ka mid ah ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray qaar ka mid ah ...



Iyadoo warbixinta Pentagon-ka hore loo shaaciyay, madaxweyne ku xigeenka JD Vance ayaa wareysi kooban siiyay NBC News isagoo sheegay in "Mareykanku uusan dagaal kula jirin Iiraan".

 

"Waxaan dagaal kula jirnaa damaceeda nukliyeerka," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Mareykanku uu rumeysan yahay inuu "burburiyay" barnaamijkii nukliyeerka ee Iiraan.

 

Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray qaar ka mid ah dhaleeceynta Trump, isaga oo sheegay in aysan "run ahayn" in howlgalku uu ka baxsan yahay awoodiisa madaxtinimo - sida hoggaamiyaha Dimuqraadiga ee Aqalka Hakeem Jeffries uu su'aal hore uga keenay.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaa ku daray in Maraykanka iyo xulafadiisa ay hadda ka shaqayn doonaan sidii ay "si joogto ah" u burburin lahaayeen barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

 

XIGASHO Bbc/somali

 

 


Loading...
Loading...