DEG DEG Wasiirka Arrimaha dibadda S/land Oo Gaaray Itoobiya (Daawo Sawiro)

0
Monday June 23, 2025 - 08:03:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Wasiirka Arrimaha dibadda S/land Oo Gaaray Itoobiya (Daawo Sawiro)

    Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland
May be an image of 1 person and newsroom


Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo socdaal shaqo ku tegay dalka Itoobiya , ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland uu ku tagay Addis ababa ayaa qaatay muddo afar maalmood ah oo u dhexaysay 19–22 bishan Juun 2025.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha dibadda, ayaa la xidhiidhay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyaddeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibaddu muddadii uu ku sugnaa Addis ababa wuxuu kulmay dhigiisa Itoobiya Dr. Gedion Timotheos Hessebon oo ay wadajir isula gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka iskaashi iyo derisnimo ee labada dal.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu uga mahadceliyay dawladda Fedraalka Itoobiya sida karaamada iyo milgaha leh ee ay u qaabileen iyo kulamada muhiimka ee ay ka yessheen xidhiidhka labada waddan.

May be an image of 7 people and suit
May be an image of 4 people and suit
May be an image of 3 people, dais and text
May be an image of 2 people and suit


Loading...
Loading...