Heshiiska Axsaabta Mucaaridka Iyo Xukuumada Kulmiye dhex maray waa dhuumasho dhabarku muuqdo..W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

0
Saturday July 27, 2019 - 20:29:31 in Articles by
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska Axsaabta Mucaaridka Iyo Xukuumada Kulmiye dhex maray waa dhuumasho dhabarku muuqdo..W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

    Heshiiska Axsaabta Mucaaridka Iyo Xukuumada Kulmiye dhex maray waa dhuumasho dhabarku muuqdo..W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiska Axsaabta Mucaaridka Iyo Xukuumada Kulmiye dhex maray waa dhuumasho dhabarku muuqdo..W/Q Muqtar Qofal Badhabadhe


Heshiiska Axsaabta Mucaaridka Iyo Xukuumada Kulmiye dhex maray waa dhuumasho dhabarku muuqdo.


1:waa heshiis aan dhicin xilligii ku haboonaa wax uu ka baddalayo dib u dhaca doorashadana ma      jirto.

Image may contain: 3 people, people standing


2: qoddobka ah dooda xubnaha komshanka laba halagu daro iyo toddobadaa haloo daayo waxa iska cad in taasina ay u dhacayso doonista Kulmiye iyo Madaxwaynaha maadama ay gacanta ku hayaan Baarlamanka waa Kulmiyee.


3: heshiiska waxa uu u muuqda mid lagu khiyaamaynayo Shacabka Somaliland iyo daneeyayaasha doorashooyinka Somaliand, waxanan shaqsi ahaan qabaa in dhinacyadii dib u dhaca sababay waa Kulmiye Iyo Waddani e ay ka galgalanayaan ceebta iyo cannaanta ay yeelan doonto dib u dhaca doorashada ku imanaya mar kale.


4:waxa xusid mudan in komidhanka hadda joogaa aanuu qabanayn dorashada taas macnaheedu waa waxa uu wakhtigiisu dhacayaa ka hor december oo xiliga doorashada ah, mana taalo sabab komishan cusub uu ku qabto doorasho muddo hal bill gudaheed oo ah xilliga ay iman doonaan, waxaana dhici karta in xisbiyada mucaaradka ah laguba celiyo xulista qofka ay soo doortaan maadama xukuumadaha aynu hore uga baranay, taas oo haddaba muddada ka dhigaysa mid aad u soo kooban.


5: sharciga konishanku ku hawlgala waa in ay shaqo galaan xili ay tababarteen oo ay fahamsan yihiin shaqada loo doortay iyo sida ay u qabanayaan mana jirto wakhti macquul ah oo ay ku helaan tobabar iyo cilmi korodhsi.


6: ma jirto wax laga qabtay saami qaybsigii baarlamanka mana cadda ma sidii hore yaa lagu galayaa mise waa la qaybinayaa, taas oo iyana ku keenaysa culays maadama ay jiraan gobolo aad u raba saami qaybsi dhaba oo cadaalada.


7: ugu dambayn anoo ka shidaal qaadanaya qoddobadaa aan sare ku xusay waxaan saluug ka qabaa oo anan aaminsanayn in doorahsooyinka somaliland ay ku dhacayaan xilligooda, imana doonto in dib uu ka dhici doono khilaaf hor leh maadama aan qoddobadan sare ku xusan iyo qaar kaloo jiraba aan loo lafa gurrin si daacadnimo ku jirto.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...