Ingiriiska ma qarka ayuu u saaran yahay inuu galo dagaalka u dhexeeya Iiran iyo Israa'iil?

0
Saturday June 21, 2025 - 14:40:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska ma qarka ayuu u saaran yahay inuu galo dagaalka u dhexeeya Iiran iyo Israa'iil?

    Doorkee ayay tahay in Ingiriisku uu ka ciyaaro haddii Donald Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorkee ayay tahay in Ingiriisku uu ka ciyaaro haddii Donald Trump



Qaar ayaa weli la yaaban haddii wixii dhacay 2003 ay dib u dhici karaan.

 

Sannadkii 2003-dii, Britain ayaa ku biirtay ololihii aadka loogu muransanaa ee uu Maraykanku hoggaaminayey ee ka dhanka ahaa Ciraaq, iyada oo ujeedadu ahayd in waddanka laga sifeeyo hubka lagu tuhmayay "hubka wax gumaada." Kadib waxaa la ogaaday in hubkan la burburiyay sanado ka hor

 

Maadaama uu aad ugu dhow yahay uuna la yahay bahwadaag yar, Ingiriiska waxa hubaal ah inay si uun u saamayn doonto dhacdooyinka hadda ka socda Bariga Dhexe.

 

Doorkee ayay tahay in Ingiriisku uu ka ciyaaro haddii Donald Trump uu go'aansado inuu u diro ciidamo Mareykan ah si ay uga caawiyaan Israa'iil burburinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iiran.

 

Marka hore waa in la sheegaa in Ingiriisku uu aad uga fog yahay udub dhexaadka khilaafkan ee u dhexeeya Israa'iill iyo Iiran

 

Ingiriiska oo ay weheliyaan xubnaha kale ee G7 ayaa ku baaqay in la yareeyo xiisadaha, laakiin Israa'iil uma badna inay dhegeysato baaqyadan.

 

Tani kaliya ma ahan in xiriirka Ingiriiska iyo Israa'iil uu xumaaday ka dib markii London ay ku biirtay wadamada kale ee reer galbeedka ee cunaqabateynta ku soo rogay laba wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada Israa'iill oo hurinaya rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed.

 

Waxa kale oo ay sabab u tahay in Israa'iil ay si cad u soo gabagabaysay in hadda la joogo wakhtigii ku habboonaa ee tallaabo milatari laga qaadi lahaa barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, iyo in wakhtigii wadahadalku dhammaaday. (Iyadoo si cad loo xushmad daraynayo Ingiriiska, Israa'iil ayaa lagu soo waramayaa in aysan horey u ogeysiin London weerarkeeda Iiran, taas oo aysan u tixgelin "saaxiibka la isku halleyn karo."

 

Si kastaba ha ahaatee, Ingiriiska waxa uu weli leeyahay door diblamaasiyadeed oo uu ciyaarayo, iyada oo ay weheliso xulafadeeda Yurub kuwaas oo gacan ka geystay hindisaha heshiiskii Nukliyeerka Iiran ee 2015, oo loo yaqaan 'Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), kaas oo ay IAEA ku soo rogtay baaritaan adag Iiran si looga qaado cunaqabataynta, ilaa Donald Trump uu ka saaray heshiiska dowlada Maraykanka 2018.

 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, David Lammy ayaa khamiistii magaalada Washington kula kulmay dhiggiisa Mareykanka, waxaana Britain ay jimcaha wadahadal kula yeelan doontaa Iiran magaalada Geneva, iyada oo ay wehliyaan Faransiiska iyo Jarmalka.

 

Ingiriiska waxa ay sidoo kale ku leeyihiin xarumo, hanti istaraatijiyadeed iyo mid ciidan bariga dhexe iyo badweynta hindiya.

 

Diego Garcia

Saldhigan yar ayaa ku yaala Badweynta Hindiya, oo ay si wada jir ah u maamulaan Ingiriiska iyo Maraykanka oo hadda laga kireeyay jasiiradda ku dhow ee Mauritius, ayaa leh muhiimad istiraatijiyadeed oo baaxad leh.

 

Waxa uu ku yaalaa meel 3,700 kilomitir u jirta Iiran, saldhigani waxa uu noqon karaa meel la geeyo diyaaradaha culculus ee ciidamada cirka ee Maraykanka ee B-2 Spirit.

 

Kuwani waa diyaaradaha kaliya ee adduunka loogu talagalay inay qaadaan bamka weyn ee GBU-57, oo loo yaqaan "Mass Ordnance Penetrator" (MOP). Bamkan oo ah 13.6-tan.

 

Jeneraal David Petraeus oo hawlgab ka noqday ciidanka Maraykanka ayaa ku tilmaamay "burburiye" todobaadkan. Waxa la rumaysan yahay in uu yahay hubka kaliya ee awood u leh in uu si qoto dheer u galo xarunta la tuhunsan yahay ee tayeynta nukliyeerka ee Fordow ee Iiran.

 

Haddii Maraykanku rabo inuu isticmaalo Diego Garcia, waxa ay u baahan doontaa ogolaansho Ingiriis ah. Richard Hermer, oo ah lataliyaha dhanka sharciga ee dowladda Ingiriiska, ayaa lagu soo waramayaa inuu kula taliyay in ku lug lahaanshaha militariga Britain ay tahay in si adag loo difaaco si sharci ah.

 

Duqaymaha B-2 ayaa masaafo dhan 7,000 oo mayl ku dhow, qiyaas ahaan masaafo u jirta saldhiga ay ku leeyihiin Missouri ilaa Iiran, iyada oo shidaal hawada dhexdeeda shidaal lagu shubayo, Mareykanku waxa uu duqeyn karaa Diego Garcia Ford haddii uu rabo, isagoon isticmaalin.

 

Qubrus

Ingiriisku wuxuu jasiiraddan Mediterranean-ka ku leeyahay laba hanti oo muhiim ah. Mid waa saldhigga cirka ee Akrotiri, oo hadda hoy u ah joogitaanka la xoojiyay ee diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee boqortooyada.

 

Midda kale waa saldhigga is-dhexgalka sirdoonka ee ku yaal buurta Mount Agios Nikolaos, oo loo yaqaan "Aya Nik", oo ah qayb ka mid ah aagga uu Ingiriisku maamulo ee Qubrus.

 

Ciidanka Ingriiska ayaa sidoo kale muddo dheer u isticmaali jiray Qubrus saldhig falcelinta degdeg ah oo diyaar u ah xaaladaha degdega ah ee Bariga Dhexe.

 

Diyaaradaha dagaalka ee Royal Air Force Typhoon ayaa hadda ka qeyb qaadanaya howlgalka Shader, howlgalkaas oo ku lug leh la socodka iyo duqeymaha mararka qaar goobaha ISIS iyo Al-Qaacida ee Suuriya iyo Ciraaq.

 

Sannadkii hore, intii uu socday dagaal kooban ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Iiraan, ayaa la sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Britain ay gacan ka geysteen soo rididda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiran oo ku sii jeeday Israa'iil. Balse afhayeen u hadlay Israa'iil ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo laga dalbaday ama loo soo bandhigay Britain.

 

Gacanka Faaris

Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa door yar oo muhiim ah ka qaatay ka ilaalinta gacanka Faaris iyo marin biyoodka Hormuz miinooyinka badda.

 

Tani waxa ay dib ugu noqonaysaa dagaalkii maraakiibta Iiran iyo Ciraaq ee 1980 ilaa 88, halkaas oo miinooyin la dhigay oo Ingiriiska ay hawlgeliyeen. Miinooyinka badda ee Royal Navy ayaa saldhigoodu ahaa Baxrayn, hanti ay aad u danaynayeen Ciidanka Badda ee Maraykanka ee Fifth Fleet.

 

Si kastaba ha ahaatee, maraakiibta Ingiriiska ayaa ku dhow dhammaadka wakhtiga adeegga waxaana si tartiib tartiib ah loo dhimay joogitaanka Ciidanka Badda ee Boqortooyada. Taasi waxay keentay qiimayn walaac leh oo ah in haddii Iiran ay go'aansato inay xirto marin biyoodka Hormuz, oo ah 20-30% saliidda dunida marta ay cawaaqib xumo weyn yeelan doonto.

 

Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada badda ee Royal Navy, HMS Middleton, uu hadda ku sugan yahay gacanka Persian. Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay: "Maraakiibta Ciidanka Badda ee Boqortooyada ay ku sugan yihiin badda gacanka Faaris, lamana siin hawlgal cusub oo hawlgallada dagaalka ah."

 

Sidoo kale waxaa Ciraaq jooga ciidamo tiro yar oo ka kooban 100 askari oo British ah, waxaana Ingiriiska ay xarun deked ku leedahay magaalada Duqm ee dalka Cumaan.

 

Falcelinta Wadajirka

Iiran ayaa dhowr jeer ka digtay in waddan kasta oo weerara ama ku lug yeesha fududaynta weerar lagu bartilmaameedsan doono aargoosi, dhacdo mararka qaar loo yaqaan "ka-hortagga falcelinta".

 

Qaybta ugu sarreysa Liiska ee la bartilmaameedsanayo ayaa ah saldhigyada ciidamada Mareykanka ee gobolka oo dhan iyo sidoo kale maraakiibtooda ku sugan badda.

 

Laakiin haddii Britain ay u ogolaato ciidanka cirka ee Mareykanka inay u adeegsadaan Diego Garcia si ay u weeraraan, tusaale ahaan, xarunta Nukliyeerka ee Fordow, aargoosigan waxaa hubaal ah in lagu soo darayo Ingiriiska.

 

Ficil ahaan, tani waxa ay ku lug yeellan kartaa in gantaallada baalastikada lagu rido saldhigga Akrotiri, Laakiin gudaha Britain lafteeda, adeegga amniga gudaha ee MI5 ayaa sidoo kale diyaar u ah inay ka hortagto tallaabo kasta oo cadawtinimo ah oo ay ku kacdo Iiran oo ay ku jiraan waxyeellayn iyo burbur ka dhasha



Xigasho BBC/SOMALI

Loading...
Loading...