Dhallinyarada iyo Doorkooda Horumarinta Bulshada

0
Saturday June 21, 2025 - 13:35:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyarada iyo Doorkooda Horumarinta Bulshada

    Dhallinyarada waxbaratay, wacyi leh, kuna qalabeysan hal-abuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhallinyarada waxbaratay, wacyi leh, kuna qalabeysan hal-abuur



Dhallinyaradu waa laf-dhabarta Ummad kasta, waxayna leeyihiin karti, tamar, iyo maskax curin kara isbeddel dhab ah. Soomaaliya, in ka badan kala bar bulshadeeda waa dhallinyaro, taasoo muujinaysa fursad dahabi ah oo lagu gaari karo horumar waara. Diinteennu waxay si gaar ah u xustay qiimaha waqtiga da’da yar, sida xadiiskii Nabiga uu ahaa:

"Shan ka faa’iideyso ka hor shan: dhalinyaranimadaada ka hor gawowgaaga...”

Tani waxay ina xasuusinaysaa in dhallinyarnimada ay tahay nimco weyn oo u baahan in laga faa’iidaysto.

Dhallinyarada: Tiirka Isbeddelka Bulshada

Dhallinyarada waxbaratay, wacyi leh, kuna qalabeysan hal-abuur iyo himilo, waa kuwa hormuud u noqon kara horumar kasta — hadday noqoto dhinaca dhaqaalaha, dhaqanka, bulshada, iyo fikradaha cusub ee xal u noqon kara caqabadaha taagan.

Dhallinyarada noocaas ah, marka la helo, waxay abuuraan bulsho togan, adeegyo casri ah, iyo hoggaan cusub oo daacad ah. Waa sida uu Nebigu (NNKH) ku tilmaamay dhallinyaradii u adeegay diinta — sida Muscab ibnu Cumayr, Usaama binu Zayd, iyo Cabdullaahi ibnu Cabaas — oo dhammaantood doorkooda laga dareemay xilli ay da’doodu yarayd.

Dhalinyarada Soomaaliyeed: Caqabadaha Dhaqaaleed, Bulsho iyo Maamul

Inkastoo ay jiraan fursado badan, haddana dhallinyarada Soomaaliyeed waxay wajahayaan caqabado soo jiitamayay:

▪︎ Shaqo la’aan iyo xirfad la’aan, kuwaasoo horseedi kara Tahriib iyo halis-galin nafeed.

▪︎ Jawiga bulshada oo mararka qaar niyad-jab iyo rajo beel xambaarsan

▪︎ In aan laga talo-galin/ka qayb-gal la'aan; go’aamada waaweyn ee saameeya noloshooda.

Sidee looga faa’iidaysan karaa Doorkaas Bannaan ?

Haddii si sax ah loo agaasimo, dhallinyaradu waxay noqon karaan xoog dhaqaajiya bulsho dhan. Waxaa muhiim ah in:

▪︎ La abuuro barnaamijyo xirfadeed iyo shaqo-abuur ah.

▪︎ La dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo ganacsiga yar-yar.

▪︎ La sameeyo barnaamijyo tarbiyeysan oo kor u qaada wacyiga diineed, waddaniyadda, iyo mas’uuliyadda.

▪︎ Lagu barbaariyo hoggaan iimaan leh, akhlaaq leh, kana fogaada dan gaar ah.

???? Dhallinyarada maanta waa kuwa qaadi kara mas’uuliyadda dalka berrito. Haddii aan maanta laga shaqeyn tayadooda, maskaxdooda, iyo akhlaaqdooda, berri waxaa la sugayaa dal iyo bulsho dayacan. Balse haddii la barbaarsho jiil ILLAAHEY ka baqa, aqoon iyo damiir diineed ku qalabaysan dalkiisuna u damqado, wuxuu noqon doonaa mid horseeda isbeddel dhab ah oo raalli laga yahay.

W/Q Usame Qiyasle


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...