Qaabka Loo Kaydsado Mushaharka.

0
Saturday July 27, 2019 - 19:38:33 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabka Loo Kaydsado Mushaharka.

    Maqaal xiiso Badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaal xiiso Badan.
Ugu horeyn maaha wax fudud marka aad maaraynayso mushaharkaaga waxay u baahan tahay inaad la timaado fikir, kaana go'an tahay inaad kaydiso lacag adigoo ku dabaqaya jadwal aad usamaysatid maamulka mushaharkaaga Talo .

1:{Mushaharka} :-


Mushaharku maaha wax si fudud Qofka ku soo gala balse waa shayga uu u dadaalayay noloshiisa oo dhan in uu mar uun shaqo helo ,dadka ayaa waxay u qaybsamaan laba 

A●kuwa marka ay helaan shaqada ka faaideeya oo ku xisaabtama iyo inaanay  dhaafin shaqadaas uu ku helay dadaalka .

Kaasi waa ka ka faaideeeya wuxuu doono ha ka qabsadee ha dhowna aan uu u calaalcalin hadii shaqadaas uu mushaharka ka  helayay ka tago waxa uu mar walba  xasuusan  yahay shaqo laantu waxa ay tahay .

B●mid  aan ka faidaysan shaqadaas mushaharka uu ku helayo marka uu helo  oo ku ciyaara ama ku loofara lacagtaa uu bisha oo dhan shaqaysanayay oo si fudud  oo  malaayacni ah ku baabiiya mushaharkiisa dhamaantii.

◎◎labadaas ayay u qayb samaan dadku.

Hadaba inagu waxaynu ka hadlaynaa  ka hore ee ah .

Mid mushaharkiisa ka faaideeynaya oo maamul usamaynaya.

★AAN QISH KU SIIYO BADANAABA MUSHARKAAGA LAMA SHEEGO WAXA AAD QAADATO,UGU YARAAN WAXA AAD SHEEGI KARTAA MUSHAHARKA AAD QAADATO MARKA AAN WAXBA LAGU WAYDIINAYN ★
Hadaba Aynu bilawno.
Waxaynu soo  qaadanaynaa qofka ku shaqeeya musharka 1000$.

●Kaasi waxa uu nasiib U helay inuu ka faaidaysto mushahar-kiisaas aadka u fiican .
Muxuu u baahan yahay.

1●Maareyn:-
Inuu maareeyo qaabkuu wax u Bixiyo ha  Ahaato Mid faamligiisa uu siiyo  iyo mid uu shaxaad u bixiyo isugeyn 600$.

Waxa u hadhay 400$ hadiiba uu hawlihiisa u gaarka ah ku qabsado 100$ 
Waxa U soo hadhaya 300$ .

Marmarka Qaarna Waxa uu dhigan karaa intaasi in Ka Badan Hadii Uu Dadaalo.

2●Dhigaal:-
Waxaynu odhan karnaa qofkaasi waxa u dhigmaya bishii 300$ hadiiba lagu dhufto Sanadkii 300x12 waa 3600$

○Hadiiba  la xisaabiyo 6 bilood

Waxa u dhigmaya 300x6=1800$

Labada jeerba maaha wax hawl yar dadka ayaa badanaaba iyagoo qaadanaya mushahar intaa leeg hadana bil walba khasaariya oo baabiiya hadhow toolana marka shaqada laga eryo dib ka calaacala oo farta dhexda ka qaniina waxaanu leenahay lacagtaada kaydso oo samee jadwal aad ku hagto si aanad hadhow uga shalayn Talo.

Lacagtaas uu Kaydsado Qofku waa sanadkii waa dakhli fiican oo uu ku maarayn karo
Noloshiisa hadiiba uu ganacsi iyo hawlo kale ku furanayo.


2●Qofka qaadata mushaharka 500$ waxa ku Haboon isaga inuu usamaysto jadwal kaasi oo ah kuu ku dabaqayo.


Waxa ku waajib inuu bil walba dhigto 200$ waayo 300$  ee kale ee Soo  hadha Si Fiican

ayuu ugu maarayn karaa noloshiisa ta ehelkiisa iyo Ta Uu shaxaadka uu bixinayaba Sanadkii wax uu helaya Marka U Dhigaalkas sameeyo  Hadiiba 200x12=2400$

maaha lacag yar  Hadiiba uu urursado 6 bilood isagoo dhigaya 200 x6 waa 1200$ oo Dollar maaha lacag yar waa marka ay kaa goan tahay inaad sidaa u farsamayso Hadii ay Farsamadaadu intaas ka sii Fiican Tahayna dhigaal intaas ka Badan Ayaad Samayn Kartaa .

Waxaa jira sidoo kale dad badan oo qaadata mushahar  intaa leeg iyo mid ka badan hadana baabiiya oo hadhow eber istaaga waar hooy hala maareeyo mushaharka oo ha loo sameeyo jadwal si aanad hadhow isu  eersan. sanadkii waa dakhli fiican oo aad  ku maarayn karto Noloshaada  hadiiba aad ganacsi iyo hawlo kale ku furanayso.

3●Dadka qaata mushaharka intaasi ka yar ee ah 250$ badanaaba ee Dadkuna u badan yihiin isaga lama canaan karo hadiiba uu dakhliga isu gaadhi waayo waayo nolosha oo kaliya ayuu ku haboon Tahay balse hadiiba aynu isaga u Uxisaaabino  

150$ ha ku bixiyo family-gooda + shaxaad+Waxyaabahaad u baahan tahay.

100 $ Ee Soo Hadhayna ha dhigto waayo 100x12=  1200$  oo Dollar waa Sanadkii waana dakhli Fiican   waa halka ugu sahlan ee looga goyn karo.hadii laga fursan waayana 80$x12 =960$ waa sanadkii waa dakhli fiican oo uu ku maarayn karo

Nolishiisa hadiiba uu ganacsi iyo hawlo kale ku furanayo.

★★Hadaba aynu u kaalayno dadka si daily ah u qaata mushaharka uu maalinkaas shaqeeyo ha ahaato shaqo lacag noocuu ka soo helaybee.

● Hadiiba uu qaato maalintii  20$

15$ ha ku filnaysiiyo.
>Family,shaxaadka ,iyo isaga.

ha iska jaro 5$ oo uu meel dhigto ama uu zaadkaba ku shubto.

5$x30=waa 150$ wax badan ayay u taraysaa Hadii Ay Isku Gaadhgaadho.

●Hadiiba uu qaato maalintii 15$

11$  ee hadhay ha ku filnaysiiyo
 
Family-ga shaxaadka iyo isga.

>ha iska gooyo 4$ meel ha dhigto ama si kelba ha ukaydasadee .

4$x30=120$ waa lacag badan hadiiba uu kaga dhabeeyo dhigaalka,wax badna way U Tarysaa hadii uu Urursado bilo.

●Hadii uu qaato maalintii 10$

Oo dadka badankoodu u badan yihiin

7.5$ ha Ku Filnaysiiyo Family-ga,Shaxadka Iyo Isaga Ha dhigto  2.5$ oo noqonaysa.

2.5$x30=75$ wax badan ayay ka Filnaanaysaa ,marka Ay U biirtana hawlo Kale Ayuu ku Furan karaa Oo Dakhli Uu Ka Samyn Karo .

●Dadka qaata mushaharka 6$ oo ah ka daily ga badanaaba dadka Qaar Ka Midana  ku shaqeeyaan Ha iska gooyo .

1$ maalintii bishii waa waa 30$

Wax uunbay u taraysaa marka Ay U biirtana hawlo Kale Ayuu ku Furan karaa Oo Dakhli Uu Ka Samyn Karo .

★Lacag yaryaraysi malaha★

●Ugu danbayn iyo xog ururin

★Dadka qaata mushaharka 1000$

Waa inay dhigaal ka dhigataan
 
500$ ilaa 550 $

Marka uu iska jaro.

●Shaxaadka.
●Family-ga
●Iyo Naftiisa.  

★Dadka qaata  mushaharka 800$ iyagu waa in ay dhigaal ka dhigtaan bishii 400$
Marka uu iska jaro.

●Shaxaadka.
●Family-ga
●Iyo Naftiisa.

★Dadka qaata mushaharka 600$ iyagu 
Waa in ay bishii dhigaal ka dhigtaan 200$
Marka uu iska jaro.

●Shaxaadka.
●Family-ga.
●Iyo Naftiisa. 

★Dadka qaata mushaharka 500$
Waxa uu ku dhadhawanayaa dadka qaata mushaharka 600$.

★Dad qaata mushaharka 400$
Bishii waxa laga rabaa dhigaal ah 180$ .
Marka uu iska jaro.
●Shaxaadka.
●Family-ga
●Iyo Naftiisa.

★Dadka qaata mushaharka 250$ iyo 200$
Aad ayay iskugu  dhawdhaw yihiin .
Waxa dhigaal ay dhigan karaan 90$
Marka uu iska jaro.
●Shaxaadka.
●Family-ga
●Iyo Naftiisa.

★Hadiiba si kale wax kuu soo galaan oo Aad dhigto maalin galin hore galin danbe habeen,1$,3$,4$,2$,6$,4$,10$ oo wada doolar ah Ugu Badnaana 30$ ugu Yaraana 15$ Dhigaal isugeyn 24 saacadoodba .

○Waxaa laga yaabaa in sanadkii marka aad eegto meesha aad ku kaydsan Jirtay dakhliga ku dhacay inuu noqdo 12,000$  oo Dollar Bal Ka Goo 2000$ Waxa Soo Hadhay 10,000$ diraasad dad aanu ka waraysanay.
Waa Lacag Aad U Badan Run Ahaantii.

Qaababkaas waa Qaababka loo  kaydiyo Loo Mareeyo qaybo kamida musharkaaga.

DHAMAAD
Wa bilaahi Tawfiiq 
WQ: Engr Abdifatah jama
Email Id : [email protected] 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...