Siddeed nooc oo rag ah Waxey ku noolaan doona saboolnimo, waxayna ku dhiman doonaan iyagoo faqiir ah:
3️⃣ Ninka xaaskiisa ka jeesta, oo dumarka xiriirka la leh.
Ninka balwadda leh (sigaarka, daroogada, khamriga)
Ninka xaaskiisa ka jeesta, oo dumarka xiriirka la leh.
Ninka dulmiya xaaskiisa, oo garaaca, aflagaadeeya
Ninka ribada ku shaqeeya.
Ninka la saaxiiba kuwa taajiriinta ah
Ninka Jecel kafateeriyada, meelaha madadaalada iyo safarada raaxada
tan ugu muhiimsan: Ninka waalidkiis caasiya (aan u adeegayn, xushmayn)
Haweeneyda aan ka xumaanayn kharashka iyo dayacaada dhaqaalaha ninkeeda waxay sababi kartaa in ninku sabool ku noqdo.
Walaashey ma ogtahay in ninkaagu uusan lacagta ka helin jidadka? Lacagtaas waxaa ugu baxay caafimaadkiisa, xooggiisa iyo waqtigiisa si uu u helo mustaqbal wanaagsan adiga iyo carruurtiina. Haddaba noqo mid wax-garata, haku xad gudbin, u muuji mahadcelin.

Ragga balwadda leh waxay lacagtooda ku gubaan maalin kasta iyagao ka nixin Ugu dambeyn, waxa u haro waxay ku bixiyaan daawo iyo daryeel caafimaad. Xaaska iyo carruurta ninkaas waa kuwa ugu badan ee silca.

Ninka noloshiisa u hurey kaliya raaxada iyo galmada, wuxuu lacagtiisa ku kharash gareeyaa dumarka raqiiska ah. Waa mid si fudud loo khiyaaneeyo. Xaaskiisa dhabtaa ayaa la nool xanuun, ciil iyo niyad jab joogto ah.

Habaarka xaaska dulman waxay noqon kartaa sababta uu ninku u khasaaro noloshiisa. Xitaa haddii aysan habaarin ciddii dulmisa xaaskiisa hortiisa ayuu ka helaa.

Ninka ka ganacsada ribada, xitaa haddii uu u adeegsado cudur-daar diimeed, wuxuu galayaa waddo saboolnimo iyo cadaab. Maanta kuwa noocan ah waxay ku faafeen suuqyada Muslimiinta.

Saaxiibtinimada dadka taajiriinta ah waxay kaa dhigaysaa inaad la tartanto – waxaad rabtaa inaad u labisato sida ay u labistaan, u noolaato sida ay u noolyihiin – taasoo aan ku habboonayn ninka aan lahayn dakhli badan. Wuxuu ku khasaarayaa tartan aan loo baahnayn.

Noloshiisu waxay noqotaa mid ku dhisan is-dheelitir la’aan, raaxo kaliya oo aan maal gelin mustaqbalka, wuxuuna ku dhammaanayaa saboolnimo.

Ninkan u ma jiro nasiib adduun iyo aakhiro midna. Ma helayo barako, toosnaan, guul iyo farxad toona.
En Cali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...