Madaxa hawl galada nabad ilaalinta Qaramada midoobay u qaabilsan Jamhuuriyada Dimuquaadiga oo la kulmey Jabhada M23.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Gooma oo ay gacanta ku hayso
Madax hawl galada nabad ilaalinta Qaramada midoobay u qaabilsan Jamhuuriyada Dimuquaadiga ee Koongo Mr Bintow Kayta ayaa kulan la yeeshay madaxda jabhada M23 ee ka talisa magaalada Gooma ee bariga dalkaasi.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Gooma oo ay gacanta ku hayso jabhada M23 waxa lagu heshiiyay in nabad iyo xasiloonida la ilaaliyo isla markaana boob iyo dhac aan loo gaysan dadka jilicsan isla markaana khilaafka lagu dhameeyo wada hadal.
Geesta kale waxa maalintii shalay ku dhintay agagaarka caasimada dalkaas ee Kinshaasa ilaa sagaal iyo toban qof ka dib markii roobab xoogan oo sababay in wabiga Koongo fataho ay dadkaasi qaateen halka ilaa imika aan la haynin dad aan tiradooda la sheegin kuwaas oo loo tirinayo in daadadkaasi la tageen amaba dhul go ku yimid ay ku dhinteen.
Loading...
Loading...