Qishku waa wax xun, Dawadiisuna waa Kalsooni uu Ardaygu isku kalsoonaado"Wasiirka waxbarashada JSL

0
Sunday June 15, 2025 - 16:07:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qishku waa wax xun, Dawadiisuna waa Kalsooni uu Ardaygu isku kalsoonaado"Wasiirka waxbarashada JSL

    Wasiirka wax barashada oo arrimaha Qishka ardayda kala hadlaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wax barashada oo arrimaha Qishka ardayda kala hadlaya


Wasiirka wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo sayniska Somaliland pro Ismaaciil Ducaale yuusuf oo saaka magaalada hargaysa ugu qabtay kullan qaar ka mid ah ardayda sanadkan galaysa Imtixaanka shahaadiga, ayaa ardaydii ka soo qaybgashay iyo guud ahaan ardayda u faadhiisanaya Imtixaanka fasalada 4aad Iyo 8aad ku waaniyey in ay ka fogaadaan arrimaha Qishka isla markaana ardayda u sheegay in qishku yahay mid mustaqbalkooda aan u wanaagsanayn.


Wasiirka wax barashada oo arrimaha Qishka ardayda kala hadlaya ayaa waxa uu yidhi"Waxaad galaysaan waa imtixaan yar oo laydunku eegayo wixii aad soo dhigateen, aqoontaada uunbaa la eegayaa ee maaha wax aad u wayn, Qishku sidiisaba waa Qudhun dawadiisuna tahay kalsooni uu ardaygu isku kalsoonaado"

Wasiir Prof Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa waxa uu intaasi ku daray isla markaana ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka shahaadiga ee dhawaan guud ahaan Somaliland ka bilaabmi doona waxa uu ardayda kula dardaarmay inay kalsooni imtixaanka ku galaan kana fogaadaan wax kasta oo ay Imtixaanka ka ay ku waayi karaan.
Loading...
Loading...