'' Siilaanyo Sidii Loo Sabaaxadeeyey '' .

0
Saturday July 27, 2019 - 16:05:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1762
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Siilaanyo Sidii Loo Sabaaxadeeyey '' .

    Sanaddii 2005 ayuu si lama filaana u geeriyooday xubin komishanka ka tirsan oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanaddii 2005 ayuu si lama filaana u geeriyooday xubin komishanka ka tirsan oo ay

soo magacaabeen ururaddii mucaaridku, ka dibna labadii xisbi ee Kulmiye iyo Ucid waxay soo magacaabeen Maxamed Xaashi Cilmi si uu u buuxiyo booskaa bananaaday , hassa yeeshee waxaa gaashaanka ku dhuftay Madaxwayne Riyaale oo is hor taagay.


K dib Markii muddo la is jiid jiidanayay ayaa Xisbigga Ucid gaar u magacaabay Xubin buuxisa booskii horre , hassa yeeshee xubintaas ucid keligii magacaabay waxaa is hor taagay Kulmiye oo diiday .



Waxba yaan hadal idinku daaline , aakhirkii waxaa laggu heshiiyay in Komishankan sidiisa loo daayo oo xubinta u cid magacowday la ansixiyo , si loo galo doorashadda baarlamaanka ee ku beegnayd 2005 , in Xubnaha komishanka lagga dhigo 9 xubnood , marka ay komishankii markaa joogay waqtigoodu dhamaado , mucaaridkuna min 2 xubnood soo magacaaban ,sidaas ayaana laggu heshiiyay , kulmiyena foodkii ku galay iyadoo aanay komishanka ku lahayn xubin keliya.


Markii la gaadhay 2007 , Xisbigii Udub wuxuu qunyar ka baxay heshiiskii 9 xubnood , waxaanu ku adkaystay in aan heshiiskii la galay sharci ahayn , maadaama aan Baarlamaanku wax ka badelin xeerkii horre , sidaas ayaanay Siilaanyo sabaaxadaasi ugu dhacday .


@ Maxaan wacdaraha aduunka ,
usoo jiray waayo dhawra .

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...