DEG DEG Dab Xoogan oo ka Kacay Buurta Daallo ee Gobolka Sanaag
Dabka ayaa sababay cabsi iyo walaac xooggan
Buurta Daallo ee gobolka Sanaag ayaa goor-dhaweyd waxaa ka kacay dab xooggan oo si xawli ah ugu fidaya dhulka kaymaha leh ee ku hareeraysan buurta.
Dabka ayaa sababay cabsi iyo walaac xooggan oo ku dhacay dadka deegaanka, maadaama uu yahay mid aan wali la xakamaynin.
Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in aan weli la helin gargaar degdeg ah oo gaadha goobta dabka, taasoo keentay in dabku sii fido daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa.
Loading...
Loading...