"Waxan cadaynayaa in madaxwaynaha Somaliland uu yahay Dublamaasi siyaasi ah oo muddo 40 sannadood siyaasadda ku soo jirey" Cabdicasiis Cagawayne

0
Tuesday June 03, 2025 - 14:29:07 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxan cadaynayaa in madaxwaynaha Somaliland uu yahay Dublamaasi siyaasi ah oo muddo 40 sannadood siyaasadda ku soo jirey" Cabdicasiis Cagawayne

    Maanta iyo maalintaasi way kala duwan yihiin, maalintaasi waa maalin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta iyo maalintaasi way kala duwan yihiin, maalintaasi waa maalin


Gudoomiye ku xigeenka guddida Qandaraasyadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Cagawayne oo ka hadleyay hagardaamadii Soomaaliya ku hungawday ee safarka madaxwaynaha ee Kenya ayaa sheegay in madaxwaynaha JSL uu yahay siyaasi rug cadaad ah oo mudo badan ku soo jirey siyaasadda


waxaanu yidhi "Waxan cadaynayaa in madaxwaynaha Somaliland uu yahay Dublamaasi siyaasi ah oo muddo 40 sannadood siyaasadda ku soo jirey iyo Dublamaasiyadda, in aanay warqad, laba iyo 19 warqadoodna aanay hor istaagi doonin.

Maanta iyo maalintaasi way kala duwan yihiin, maalintaasi waa maalin uu madaxwaynihii Qaranku u shaqo tagey sidii Ictiraafka iyo Qadiyadda madax bannaanid Jamhuuriyadda Somaliland uu kor ugu qaadi lahaa, waanu ku soo guulaystey”.

Gudoomiye ku-xigeenka guddida Qandaraasyadda Qaranka Somaliland ayaa dawladda Soomaaliya uga digey faro-galinta siyaasadeed iyo dibindaabyada ay la daba socoto Somaliland waxaanu u soo jeediyay inay qoomamo la’aadaan

Waxaanu yidhi "Waxan u digayaa dawladda Soomaaliya, maamulka itaalka daran ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan leeyahay waar kala quusanee aan kala qoomamo la’aano,, waxaan arkayay nin leh Baasaboorkii baanu gacanta ku haynaa, oo xoolahooda ayaa lagu dhoofiyaa, waxaan leeyahay Somaliland Baasaboorkeeda ayay ku dhooftaa, xoolaheedan iyaga ayaa Sucuudiga la xidhiidha oo waraaqaheeda ayay ku dhoofaan”.

Cabdicasiis Cagawayne ayaa sidoo kale guul taariikhi ah ku tilmaamay safarka weftiga madaxwaynaha ee dalka Kenya, waxaanu intaasi ku daray in dawladda Kenya ay kor u qaaday meeqaamka iyo sharafta madaxwaynaha Somaliland

Waxaanu yidhi "Waxad ka warqabtaa guulaha waawayn ee taariikhiga ah ee madaxwaynaha Somaliland soo gaadhey, waxaynu ka warqabnaa guulaha siyaasiga ah, haddii ay tahay beesha caalamka iyo haddii ay tahay dawladda Kenya oo meeqaamka uu lahaa iyo sharafta uu lahaa iyo cisiga uu lahaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweeyay”.

Cabdicasiis Cagawayne ayaa sidoo kale u mahadceliyay dawladda Kenya, Beesha caalamka, Raysal wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatey safarka guusha ah ee Kenya
Waxaanu yidhi "Waxan halkan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya, waxan uga mahadnaqayaa madaxwaynahooga, waxan uga mahadnaqayaa Reila Odinga oo xalay oo u danbaysey madaxwaynaha Somaliland gurigiisa ku qaabiley, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa cid kasta oo madaxwaynaha kala shaqaysay arrimahaa Dublamaasiga ah”.

Gebo’gabadii gudoomiye ku-xigeenka guddida Qandaraasyadda Qaranka JSL, ayaa xusey in maanta madaxwaynaha lagu soo dhawayn doono dalka, waxaanu tilmaamay in taariikhu xusi doonto madaxwaynaha sida uu dalkiisa ugu shaqaynayo

Waxaanu yidhi "Waxan si ballaadhan u soo dhawaynayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somal
Loading...
Loading...