DEG DEG Ujeedada Kulankii Nairobi Ku Dhex Maray Madaxweyne Cirro, Siciid Deni Iyo Axmed Madoobe.

0
Tuesday June 03, 2025 - 12:57:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Ujeedada Kulankii Nairobi Ku Dhex Maray Madaxweyne Cirro, Siciid Deni Iyo Axmed Madoobe.

    Dhinaca Somaliland Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca Somaliland Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud
May be an image of 4 people, dais and text that says 'SNB'



Magaaladda Nairobi Waxa Markii Ugu horeysay ku Kulmay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Iyo madaxweyneyaasha Maamulada Soomaaliya ee Puntland Siciid Deni Iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulankan oo noqonaya midkii ugu horeeyay ee Taariikhda dhex Mara Madaxweyne Ka Socda Somaliland iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya ayay kaga wada hadleen sidii meesha looga tuuri Lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland iyo Jubbaland iskuma san banaana Madaxweynaha Wakhtigan Xasan Sheekh Maxamuud, Waxaana dhex yaala Khilaaf Sababay in ay Ciidamo isu adeegsadaan.

Dhinaca Somaliland Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilawday Culaysyo iyo shirqoolo ay u maleegayso Qaranimada Somaliland, Waxaana Xukuumadda Cusub ee Somaliland ay bilawday gacan togaalataynta Xukuumadda Muqdisho iyo sidii meesha looga tuuri lahaa Xasan Sheekh Maxamuud, Waxaana Wararka laga helayo Magaaladda Nairobi ay sheegayaan in Arrintaas la isla meel dhigay.
Loading...
Loading...