Prof. PLO Lumumbe: Somaliland iyo Miisaanka Afrika

0
Monday June 02, 2025 - 19:06:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof. PLO Lumumbe: Somaliland iyo Miisaanka Afrika

    Madashan oo aan ahayn keliya Xaflad dabaal-deg balse ahayd...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madashan oo aan ahayn keliya Xaflad dabaal-deg balse ahayd...


Habeenkii Axadda oo ay taariikhdu ahayd May 31, 2025, wax cajiib ah ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.

Kumanaan reer Somaliland ah iyo marti Kenyaati ah ayaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo loogu dabaal-degay sanad-guurada 34aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.


Xaflada ayaa ka dhacday madal laga diyaariyey badhtamaha Magaalada Nairobi, taasoo ay soo agaasimeen Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Kenya, waxaana ka qaybgalay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Madashan oo aan ahayn keliya Xaflad dabaal-deg balse ahayd Dhoola-tus siyaasaddeed, diblomaasiyaddeed iyo taariikheed, ayaa waxa si mug iyo miisaan leh loogu soo bandhigay waaqica dhabta ah ee ka jira Somaliland, dareenka waddaniyaddeed, deddaalka dal-dhis iyo dariiqa dheer lagu aasaasay nabadda, horumarka iyo xasiloonida siyaasaddeed ee ka tisqaaday.

Professor P. L. O. Lumumba, oo ah magac Afrika oo dhan laga yaqaan oo ku suntan u doodista caddaaladda, wada-jir ka iyo midowga Afrika (Pan-Africanism) ayaa ka soo ag muuqday dhinaca Madaxweyne Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Prof. Patrick Loch Otieno (PLO) Lumumba Kama soo muuqan oo kaliya munaasibada, balse wuxuu ka jeediyey hadal miisaan leh oo Taariikh gal ah.

waxaanay Soomaalilaan u ahayd daqiiqadaha u hadlayey, kuwo macno wayn ugu fadhiya — Waxaanu sida dhayda u cadeey kuna dhawaaqay bayaan ah in riyada midowga Afrika wayn ay qaabili karto isla markaana aanay diidayn Soomaalilaan oo ah dal madax banaan, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Xamse Khayre oo maqaal ka qoray hadal-jeedinta Looyarkan Kenya u dhashay.

Khudbada Prof. PLO oo ahayd Ingiriisi, isla markaana bahda Telefishanka Qaranku turjuntay ayaa waxa uu kaga hadlay sooyaal, tegay, mid taagan iyo toobiyaha mustaqbalka u banaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu tilmaan cad ku bixiyey kelmado ku yeelan doona raadad taariikheed qaarada Afrika.
Khudbada Prof. Lumumbe:

"Marka hore, waxaan xusuustaa markii ugu horeysay ee aan soo booqday Hargeysa. Waqtigaas, mudane, waxaad ku jirtay mucaaradka. Kadib markii aan booqday madaxweynihii wakhtigaas, waxaad si naxariis leh iigu soo dhawaysay gurigaaga Hargeysa.

Waqtigaas, mudane, waxaad xasuusataa inaan ku mashquulsanaa aasaaska Jaamacadda Midnimada (Unity University) ee Hargeysa"

Prof-ku wuxuu ka dhawaajiyey horumarka ay samaysay Jaamacadda uu hirgeliyey iyo talaabada taas xigta ee ay qaadayaan marka laga hadlayo kobcinta taageerada dhanka aqoonta ee ay ka fulinayaan Hargeysa.
"Waxaan ku faraxsanahay in aan kuu sheego in hadda ay jiraan in ka badan 1,300 arday oo wax ka barta Jaamacadda (Unity University) ee Hargeysa. Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in aan kuu sheego in bisha Sideedaad, xafiiskaaga uu aqbalay in aan ku nimaadno wefti ganacsi.

Waxaan sidoo kale furaynaa Machadka Pan-African ee Jaamacadda Unity University.
Laakiin ka hor inta aanan sii wadin, mudane, aan kuu sheego sheeko gaaban oo aad u xiiso badan. Markii ugu horeysay ee aan booqday Hargeysa, waxaan aadnay jidadka ay fadhiyaan dadka lacagaha beddela, markii ay salaadda soo tukanayeen, lacagtii ayey ka tageen oo masjidka aadeen. Waxaan u sheegay, "Ha isku dayin inaad tan ka sameyso qaybaha kale ee Afrika, lacagta ma heli doontid."

Madaxweynaha JSL ayuu ku hambalyeeyey guushii Doorashada, waxaanu tilmaamay inay dunidu hagratay ama ay qariso wacaasha wanaagsan ee Nidaamka Dawlad-dhiska iyo dimuquraadiyada Somaliland.
Waxaa sidoo kale muhiim ah, mudane, in aan kugu hambalyeeyo in laguu doortay madaxweynaha Somaliland, iyo in aan u hambalyeeyo shacabka Somaliland oo ka qayb qaatay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu nabdoonaa ee abid ka dhacay qaaradda Afrika.

Laakiin si xad balaadhan leh loomaga soo warbixiyo sidii ay ahayd inaan yeelno marka laga hadlayo xaqiiqada Somaliland.
Patrick Loch Otieno, wuxuu walaac ka muujiyey xaalada ay ku sugan tahay qaarada Afrika wakhtigan iyo wadeecooyinka weedhaaminaya dhinacyada siyaasadda iyo nabad-gelyada Qaarada.
"Mudane, waxaad la wareegaysaa madaxtinimada Somaliland xilli Afrika aysan ku jirin xasillooni.
Waxaa ka jira iskahorimaadyo badan oo qaaradda ah, waxaana rajaynayaa in aad u safri doonto qaaradda Afrika oo dhan oo aad u sheegi doonto waxa aad ka qabanayso Somaliland inaad ku caawinayso si ay u hesho nabad iyo waayo-aragnimo.
Waxaan aaminsanahay, sida adiga oo kale, in diblomaasiyadda ay Somaliland ka heli doonto aqoonsiga ay u qalanto adduunka, sida ay tahay inay noqoto.
Isagoo hadalkiisa waxa uu sheegay "Mararka qaarkood marka la iga maqlo waxaan hadda sheegnay, dadka qaar ayaa ku doodaya, ‘Sidee u hadli kartaa midnimada Afrika oo aad sidoo kale leedahay kuwa kale waa inay yeeshaan is-xukun?’ Jawaabtu waa: "Markaad carruur ku haysato gurigaaga,ay koraan, waxaad jeceshahay inay dhistaan guryo u gaar ah, qoyskuna wuxuu noqdaa midsii xoogaysta.” Taasi waa waxa aan idiin rajaynayo.
Ugu dambeyn wuxuu si qoto dheer u safeeyey humaagga shakhsiyaddeed ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi Cirro. Waxa uu tilmaamay inay hubinti ula muuqato guusha diblomaasiyaddeed ee Madaxweynuhu gaadhi karaa inay ku dheehan tahay hibbadiisa iyo Khibradiisa.
" Shaki iiguma jiro inaad leedahay hibada, khibradda, hanaan diblomaasiyadda aad ku gaadhi karto yoolkaas"ayuu yidhi.
Loading...
Loading...