Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Farriin u Diray Bulshada Magaalada

0
Monday June 02, 2025 - 15:05:58 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo Farriin u Diray Bulshada Magaalada

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo ka hadlayay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo ka hadlayay...



Mareeyaha Wakaalada Biyaha Magaalada Berbera Khadar Siciid Axmed ayaa ka hadlay biyi yaraan maalmo kooban saacadaha qaar ku timi xaafadaha qaar,taas oo uu sheegay in ay sababtay xilliga kulaylka xagaaga,dhoofka xoolaha mooshinka Xajka iyo maraakiibta tirada ee Biyaha ka doonaya.

 

Waxaanu intaa ku daray in ay la yaab ku noqotay bulshada reer Berbera gaar ahaan xaafada qaar oo xiliyo kooban biyuhu ay ka maqnaayeen taasoo ah wax aanay la qabsan. Maareeyaha ayaa sidoo kale xusay in Bebera ay tahay magaalada ugu biyaha badan.

 

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo ka hadlayay sababta keentay in xiliyo kooban ay xaafadaha qaar biyuhu ka go’aan ayaa yidhi. "Waxaan fariin u dirayaa Dadweynaha ku nool Magaalada Berbera oon leeyahya waa in ay ka diyaargaroobaan xilli kulaylihii iyo xagaagii in aynu galnay,waxaana jirtay in isticmaalka biyuhu laban laabmo. waxaana keenay oo aynu ku jirnaa moosinkii Xajka oo xoolihii dhoofayaan.iyo Maraakiibtii biyaha innaga qaadanaysay taasi waxay keentay in xaafadaha qaarkood xiliyadii biyaha ay heli jireen ay dib uga dhacaan hadii habeenkii uu waayo biyaha xiliyada dambe habeenkii ayuu helayaa,”.

 

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera oo ka hadlayay sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay kayd biyood yeeshaan, bulsahda Berbera, ayaa yidhi "Dadka reer Berbera fariinta aanu gaadhsiinaynaa waxa weeye in biyaha la kayd sado,madaama aynu galnay xagaagii waxaana bulshada reer Berbera ka codsanaynaa cilad ayaa iman karta . waxa muhiim ah in ay kayd biyood

 

Haystaan,.waxaanan ka raaligelinaynaa bulshada xaafado gaar ah ee saddexdii cisho ee biyo yaraantu ku dhacday ee daruuraha wadajir iyo Burco Sheekh meel ka mid ah.24 Saacadood biyuhu may maqnayn ee Saacadaha qaar biyuhu way soo dhacayeen.ee bulshada ayaan la qabsan ,Berbera waxa ay ku jirtaa meelaha ugu biyaha badan Somaliland waxa taagan intaas oo Markab oo biyo ka qaadanaya waxaana dhoofaya in ka badan Hal Milyan oo Neef”.


Loading...
Loading...