"Somaliland iyo Doorkeeda Cusub ee Istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika…" Warbixin DD India
Warbaahinta caalamiga ah ee DD India oo ka mid ah Kanaalada ugu caansan dunida, ayaa sheegtay in Somaliland oo ah dal madax-banaan uu muddooyinkii u dambeeyay si weyn u soo jiidanayo indhaha caalamka, isla markaana ay si ballaadhan u soo bandhigtay doorkeeda juqraafiyeedka ee caalamiga ah. Iyada oo dhacda goob ay dunidu si wayn u xiisaynayso oo ku taal gacanka cadmeed.
Warbixintan ayaa sidoo kale tilmaantay in dawladda Maraykanku ay kaalmaha hore kaga jirto waddamada waaweyn ee xiisaha u qaba la macaamilka iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo tilmaantay in sharci-dajiyayaasha (Baarlamaanka) Mareykanka oo ay hormood ka yihiin xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ee Trump, ay si weyn ugu ololaynayaan in si rasmi ah loo aqoonsado Somaliland.
Dhinaca kale warbixinta ayaa sheegtay in goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland ay xudun u tahay xiisadda iyo loolanka siyaasadeed ee dawladaha Mareykanka iyo Shiinaha. Xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo saameynta Shiinaha ee mandaqada iyo guud ahaan qaaradda Afrika.
Warbixintan oo Wargeyska Dawan turjumay ayaa lagu bilaabay sidan "Somaliland oo ah dal madax-banaan oo ku yaalla Geeska Afrika, ayaa si weyn u soo jiidanaya indhaca caalamka, iyada oo door muhiim ah ka ciyaaraysa doorkeeda juqraafiyadeed ee caalamiga ah. Goobta istaraatiijiga ah ee gobolka ee ku taal gacanka Cadmeed hadda waa xudunta xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha. Iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo saameynta Shiinaha.”
Sidoo kale, waxa ay si weyn u falanqaysay xiisaha sii kordhaya ee dawladda Maraykanku ay u qabto Somaliland, iyada oo xustay mashruucii aqoonsiga Somaliland ee la horgeeyay golaha sharci-dejinta Maraykanka, waxaanu lagu yidhi warbixinta "Sharci-dajiyayaasha Mareykanka, oo ay ku jiraan xildhibaanno ku jira xisbiga Jamhuuriga ee Trump, waxay u ololeynayaan aqoonsiga rasmiga ah ee Somaliland.
Xisbiga Jamhuuriga ee awoodda badan leh iyo xildhibaano kale oo saamay leh ayaa arrinkan dabada ka riixaya, waxaana ka mid ah xildhibaan Scott Perry, kaas oo soo bandhigay hindise sharciyeedka aqoonsiga rasmiga ah ee Maraykanku u fidinayo Somaliland.
Arrintan cusub ee lagu aqoonsanayo Somaliland waxa ay daba socotay daabacaadda hindisihii bishii Abriil 2023 ee aqoonsiga Somaliland ee loogu magacdaray Mashruuca 2025 iyo khariidaddii loogu talagalay madaxweynanimada labaad ee Trump oo ay soo diyaarisay hay’adda caanka ah ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 ururo oo kale oo maxali ah. Waxay soo jeedinayaan in aqoonsiga qaranimada Somaliland uu ka dhigan yahay dayr ka dhan ah saamaynta Shiinaha ee sii kordhaysa.”
Waxa kale oo ay warbixintu sharraxday saamaynta siyaasadeed iyo juquraafi ee xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo muhiimadda Dekedda Badda Cas ee Berbera iyo mustaqbalka dublamaasiyadda caalamiga ah ee Afrika, sidoo kale waxay xustay in Somaliland leedahay taariikh juquraafi ah iyo siyaasad meeqaam sare leh oo ku xeeran gooni-isu-taagga Somaliland.