Kulan-hawleedkii 3aad ee Gudida Qaran ee Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo Qabsoomay

0
Monday June 02, 2025 - 12:53:24 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan-hawleedkii 3aad ee Gudida Qaran ee Horumarinta Dhaqaalaha JSL oo Qabsoomay

    Waxa falanqayn iyo dood lagu sameeyey arimaha maalgashiga iyo warshadaha Dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa falanqayn iyo dood lagu sameeyey arimaha maalgashiga iyo warshadaha Dalka.



Wasaaradda Maaliyaddda iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxaa ka qabsoomay shalay kulankii saddexaad ee Guddida Horumarinta Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda.

 

Kulanka ayaa intii uu socday lagu wadaagay warbixino iyo talooyin ku aaden horumarinta dhaqaalaha Dalka sida; abuurista siyaasaddo, xeerar iyo samaynta daraasado. Kulanka oo qaatay saacado badan waxa gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aaden waxaana intii uu socday ka mid ahaa arimaha sida weyn loo lafo-guray qodobadan soo socda:Waxa dood iyo falanqayn laga yeeshay caqabadaha haysta wax-soo-saarka Dalka.

 

Waxa falanqayn iyo dood lagu sameeyey arimaha maalgashiga iyo warshadaha Dalka.

 

Waxa falanqayn iyo dood laga yeeshay xaalada dhaqashada iyo wax soo saarka xoolaha-nool ee Dalka.

 

Waxa falanqayn lagu sameèyey alaabaha soo dega ee lacagaha adag dalka dibedda uga saara iyo sidii wax-soo-saaarka dihin ee Dalka loo kordhin lahaa si loo yareeyo ku tiirsanaanta wax-soo-dejinta ( Import)

 

Waxa dood iyo falanqayn dheer laga yeeshay sidii loo dhisi lahaa farsamada dadkeena ka shaqeeya wax soo saarka beeraha iyo xoolaha.

 

Kulan-hawleedkan oo daba socda kulamo noociisa ah oo ay madaxdu hore u yeesheen waxa uu qayb ka yahay dedaalada lagu horumarinayo dhaqaalaha Dalkeena Somaliland, waxa jira gudi heer Wasiiro ah iyo gudiyo-farsamo oo ka kooban Wasaaraddaha qaybta ka soo gala wadaagayaasha tiirarka dhaqaalaha iyada oo doorka hogaaminta ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL.

 

Geesta kale, waajibaadka shaqo (mandate) ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa wax laga badelay iyada oo sida magaceedaba ka muuqata lagu soo daray Qaybta Horumarinta Dhaqaalaha Dalka si hore loogu dhigo dhaqaalaha curdinka ah ee Wadankeena.


Loading...
Loading...