Gilgilasho Ka Dhacday Nairobi: Booqashada Madaxweynaha Somaliland oo Saamayn Diblomaasiyadeed Ka Samaysay Afrika oo Dhan.
Warbaahinta Afrika ayaa si weyn u tabisay kulamada
Nairobi, Kenya – Doodaha siyaasadeed ee ka socda magaalada Nairobi iyo guud ahaan qaaradda Afrika ayaa maalmahan dambe si weyn u hadal hayey booqashada magaca weyn leh ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay caasimadda Kenya. Booqashada shan maalmood qaadatay ee Madaxweyne Cirro ayaa isha gobolka u jeedisay Somaliland, farriin cadna u dirtay Afrika iyo beesha caalamka oo muujinaysa hamiga diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo doonisteeda aqoonsi caalami ah.
Waxa ay Somalilanders horey u garanayeen ayaa haatan si dhab ah ugu muuqda madaxda Afrika iyo beesha caalamka: Madaxweyne Cirro waa siyaasi khibrad leh, oo leh aragti siyaasadeed oo qoto dheer iyo xirfad diblomaasiyadeed oo sare, taas oo uu si hufan ugu metelo dalkiisa masraxa caalamiga ah. Kartidiisa uu kula kulmayo madaxda caalamiga ah iyo sida uu si cad ugu dhawaajiyo baahida Somaliland u qabto aqoonsi ayaa kasbatay tixgelin iyo ixtiraam ballaaran.
Warbaahinta Afrika ayaa si weyn u tabisay kulamada istiraatijiyadeed ee Madaxweyne Cirro la yeeshay wufuudda caalamiga ah sida Wakiillada IMF, Bangiga Adduunka, iyo safaaradaha kala duwan. Inta lagu jiray kulamadan, Madaxweynaha ayaa si cad u muujiyey in Somaliland aysan dooneyn gargaar, balse ay raadinayso maalgashi iyo iskaashi. Waxa uu tilmaamay in Somaliland leedahay awood gaar ah: xasillooni siyaasadeed, amni sugan, kheyraad dabiici ah oo aan wali la taaban, iyo dad dhalinyaro ah, waxbartay, xirfadlena ah, kuwaas oo diyaar u ah inay kaalin mug leh ka qaataan horumarka waara.
Mowqifka Madaxweynaha – oo ku dhisan sharaf, kalsooni, iyo isku-tashi – ayaa ka soocay madax badan oo Afrikaan ah. Farriintiisu waa mid cad: Somaliland waa diyaar, albaabkeeduna wuu u furan yahay ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee Afrika.
Xaaladda siyaasadeed ee Afrika oo inta badan lagu sifeeyo dhibaatooyin iyo ku-tiirsanaanta caalamka, ayaa hab-dhaqanka Madaxweyne Cirro noqday mid dhiirrigelin leh, oo horseedaya aragti cusub – mid aan ku koobnayn Somaliland, balse u furan dhammaan dadka reer Afrika.
Abdi Kabadeh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...