DEG DEG Maareeyaha Guud ee Dekedaha oo ka War Bixiyay Hannaanka Dhoofka Xoolaha iyo Dejinta Badeecadaha

0
Saturday May 31, 2025 - 12:30:40 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Maareeyaha Guud ee Dekedaha oo ka War Bixiyay Hannaanka Dhoofka Xoolaha iyo Dejinta Badeecadaha

    Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay dekedu halka....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay dekedu halka....

Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa sheegay in Dekeda Berbera ay awood u leedahay in ay mar ka wada socdaan rarista iyo dhoofka xoolaha mooshinka Xajka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekeda Berbera soo gaadhaya.

Waxaanu intaa ku daray in ay taasi ku suura gashay kor u qaadista aqoonta shaqaale waynaha dekedda Berbera oo ay awoodda koobaad saareen. Waxaani yidhi. "Afar iyo labaatanka saacadoodba way shaqaysaa Shaqo wayn ayaa ka socota dekedda,dekedeenu na waa deked caalami ah,,xoolihii kaargoogii, kaargoogii kale ee socday 7 markab ayaa caawa laga shaqaynayaa waxaana farxda dheeraad ah noo ah in aanu mudnaanta siino xoolaha . sababtoo ah xoolaha maalintii lama raro oo waa kulayl.”


Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay dekedu halka ay maanta marayso in tahay meel aad u wanaagsan lasoo gaadhsiiyay waxaanu intaa raaciyay in dhawaan ay filayaan in la sii casriyeeyo oo ay dekedda Berbera yimaadaan maraakiibta waawayn ee koonteenarada qaada oo ay waraabiso dekedama Mandaqa oo dhan iska markaana ay yimaadaan ugu yaraan laba milyan oo koonteenar. "Waxaanu dhawaan filaynaa in la sii casriyeeyo dekeda oo ay yimaadaan maraakiibta waawayn ee fidheriska la yidhaado ee koonteerada qaada oo ay dekedaha Madnaqada oo dhan ay waraabiso dekeda Berbera,waxaanan rejaynaynaa hawlaha qaranku waa qori isu dhiib oo merka meel ayaa laga soo qaadayay Madaxwynaha qarankana waxaan ka filaynaa in horumarka uu dalka ku soo kordhinayo in ay casriyaynta iyo sii ballaadhinta dekeda Berbera in ay qayb ka ahaato.”

Maareeye Eng Siciid,ayaa intaa raaciyay in shaqo wanaagga dekeda Berbera ay sababtay markii ay dhiseen shaqaale wyynaha dekeda Berbera isagoo tilmaamay in dadka marka aqoontooda iyo xirfadooda kor loo qaado ee la dhiso in ay shaqo wanaagsan ay qanayaan.

"hawsha baaxaddaa leh ee dejinta iyo rarista leh waxaa kow ka ah shaqaalaha oo ah cududa dekeda waxaan awoodda saarnay in aanu aqoonta shaqaalaha dhisno oo tababarro siino oo dadka dhisno marka dadka la dhiso ayay shaqo wanaagu imanaysaa waxaana farxad noo ah in waxaa hawl socota in aanay ka iman wax dhibaato ama qasaare ahi waana aqoonta shaqaalaha ee la dhisay,dhammaan shaqaalahaa shaqaynayaana waa reer Somaliland waana guul kale oo lagu faano.”
Loading...
Loading...