DEG DEG Kenya iyo Somaliland: Heshiis Qalinka Lagu Duugay oo Lagu Hir-gelinayo Danaha ka Dhexeeya labada Dal

0
Saturday May 31, 2025 - 10:50:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 529
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Kenya iyo Somaliland: Heshiis Qalinka Lagu Duugay oo Lagu Hir-gelinayo Danaha ka Dhexeeya labada Dal

    Kenya iyo Somaliland: Heshiis Qalinka Lagu Duugay oo Lagu Hir-gelinayo Danaha ka Dhexeeya labada Dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya iyo Somaliland: Heshiis Qalinka Lagu Duugay oo Lagu Hir-gelinayo Danaha ka Dhexeeya labada Dal



Somaliland iyo Kiiniya ayaa ah laba dal oo xidhiidhkoodu soo tarxanaa muddo ka badan qarni iyo badh isla markaana wadaaga dano badan oo iyaga u gaar ah oo taariikheed, arrimahaasi oo ay ka mid yihiin kuwo ganacsi, nabadgelyo iyo tacliin.


Taasi waxay dhabbaha u xaadhay in mar kale Somaliland iyo Kiiniya iyagoo ka duulaya xidhiidhka soo jireen ee ay wadaagaan in ay sii xoojiyaan xidhiidhkoodi qotoda dheeraa e ay iskaga dhawaayeen dalal kale oo ay isku mandaqad ku yaallaan.

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya maalmihii u dambeeyay ayay kulan taariikhi ah wada yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Dr. William Ruto,

 

Kulanka labada Madaxweyne oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Kenya ayaa ahaa kulan labada Hoggaamiye kaga wada hadleen xidhiidhka qarni iyo dheeraad jirka ah ee labada dal iyo sii xoojintiisa iyo dhinacyada u baahan in ay si dhaw hadda uga wada shaqeeyaan.

Waxaanay labada Madaxweyne iyagoo metelaya labadooda dal kala saxeexdeen heshiis dhawr qodob ah oo labada dal ba faa’iidooyib ballaadhan u leh.

Qodobada ay labada Madaxweyne qalinka ku duugeen,ayaa u suurta gelinaya labada dal in ay ka wada shaqeeyaan dhammaan arrimaha labada dawladood iyo labada shacab dantu ugu jirto sida, ammaanka,ganacsiga isu socodka labada bulsho iyo maalgashiga.

Waxaa kale oo heshiiska ay kala saxeexdeen ku jira isu socodka diyaaradaha oo is toos ah ugu kala sarfi doona Sonaliland iyo Kenya.

Waxaa kale oo labada dal ay iska kaashanayaan ka hor tagga xagjirnimada iyo guud ahaan nabada mandaqada iyo taageerada nadadda Geeska Afrika.

Sidoo kale labada dal waay is waydaarsayanayaan horumarinta tacliinta,awood dhisidda hay’adaha dawladda kor u qaadista xirfadaha farsamada Gacanta iyo horumarinta iyo si waydaarsiga tacliinta.

Heshiiska labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya kala saxeexdeed,ayaa dhabbaha u xaadhaya in Somaliland iyo Kenya uu soo noqdo xidhiidhkoodii qrni iyo dheeraad ka jiray isla markaana ay labada dawladood iyo labada shacab si joogto ah u wadaagaan danaha ka dhexeeya.

Dhinaca kale dawladda Kenya ayaa xafiis ganacsiyeedkii hore Somaliland ugu lahayd Nairob u dalacsiisay safaarad rasmi ah ama Mission Office halka uu markii hore ka ahaa xafiiska Somaliland ee Kenya Liaison Office.

Waxaanay Somaliland ka mid noqotay 29 dal oo Kenya ku leh safaaradaha Mission Office.

Taasina waxay caddaynaysaa in xidhiidhka Somaliland iyo Kenya uu yahay mid gaadhsiisan heer ay Safaarad rasmi ah ku yeelato Somaliland dalka Kenya.

Nuxurka qodobada labada Madaxweyne kala saxeexdeen ayaa u dhignaa sidan.

????. Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

????. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

????. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.”

Loading...
Loading...