DEG DEG Safaaradda Somaliland oo Salka ku Haysa Safaaradaha Dunida iyo Sawaxanka Soomaaliya
Tallaabadii dhawaan isku dayga ay ku samaysay Soomaaliya i...
Dagaalka iyo cadaawada Soomaaliya ay kula jirto dalka iyo dadka Somailand, waa mid qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ka dharagsan yahay, waana mid la filan karo inay wakhti kasta dagaal la gasho horumarka iyo ka dhabaynta hawlaha Qaran ee Somaliland.
Waxa la yaabsado ama lala yaabo ma ahan in tallabo kasta oo ay Qaranka Somaliland u qaado dhinaca horumarka,in ay Soomaaliya dagaal toos ah iyo mid dadban ba la gasho, waayo?. Waa waa shaqada keliya ee ay awoodo saarto, kuna dedaasho inay hor joogsato yididiilada Qarankani leeyahay.
Tallaabadii dhawaan isku dayga ay ku samaysay Soomaaliya in ay hor joogsato furitaanka safaaradda Somaliland ee dalka Kenya, waxay kor-u-qaadaysaa dedaalka bulshada iyo dawladda Somaliland ee hanashada iyo helitaan Aqoonsi buuxa iyo horumar waara oo ay bulshadani dhaxlaan.
Waxa aynu wax yar ka tilmaamaynaa safaaradda Somaliland ee dalka Kenya ee uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro xadhiga ka jaray, waa mid laga baaraandegay goobta laga hirgaliyay dhismaheeda, taasi oo lagu dedaalay inay ka mid noqoto safaaradaha dunida ee dalka Kenya.
Waa goob Dublamaasi ahaan mihiim ah mandaqada Geeska, aar ahaana Somaliland, maadaama ay safaaradhii caalamku ku yaallaan goobtan laga bineeyay safaaradda Somaliland, waxa ay dhinaca isku hayaan safaaradaha dalalka u waawayn dunida oo Maraykanku kow ka haya, waana ta keentay inay Soomaaliya geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho sidii ay u joojin lahayd xadhig ka jarka safaaradan muhiimka ah.
Safaaradda ayaa dhisme ahaa loo dhisay qaab casri ah oo la mid ah safaaradaha dhigeeda ah, taasi oo muuqeedu soo jiidanayo indhaha bulshada, waana mid ka shaqayn doonta danaha Somaliland ee dalka Kenya iyo dalalka kaleba.
Xukuumadda Somaliland oo ka turjumaysay rabitaanka bulshadeeda, waxa ay ka dhabaysay furitaanka safaarad la mid ah kuwa caalamka, kuna taalla goob muhiim ah, taai badelkeeda iyada oo aan awood badan gelin ka jawaabista iyo la ficiltanka Waraaqaha Soomaaliya ee aan xadka lahayn, waxaanay ku soo gunaanadeen buuqaasi in Madaxwaynaha Somaliland uu xadhiga ka safaaradii Somaliland ee dalka Kenya.
Ujeedooyinka ugu waawayn ee dagaalka Soomaaliya ayaa ahaa in aan la furi karin safaraadda Somaliland ee Kenya, balse madaxwaynaha Somaliland iyo weftigiisii oo aan dhibaysan arrinta Soomaaliya ayaa shaqadoodii ka dhabeeya, welina ku jira safarkii muhiimka ahaa ee madaxwaynuhu ku joogay dalka Kenya.
Dagaalka Soomaaliya ay kula jirto Somaliland waa mid aan waxba ka badeli karin jihada siyaasadeed ee ay Somaliland u socoto iyo rabitaanka ka soo go’ay shababka xariirta ah ee reer Somaliland, waana mid la joogo wakhtigii uu dhaboobi lahaan, bulshada caalamkuna ay garwaaqsan lahaayeen helista Aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin bulshada Somaliland.
Loading...
Loading...