DEG DEG Madaxweynaha oo Shaaciyay in Somaliland ay Qarka u Saaran Tahay Aqoonsi !!

0
Saturday May 31, 2025 - 10:40:22 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madaxweynaha oo Shaaciyay in Somaliland ay Qarka u Saaran Tahay Aqoonsi !!

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidaas ku shaaciyay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidaas ku shaaciyay....

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay qarka u saaran tahay inay aqoonsi caalami ah ka hesho beesha caalamka. Isaga oo xusay in xukuumaddiisu ay si dhab ah ugu dhowdahay helitaanka ictiraaf caalami ah, sidoo kale waxa uu tilmaamay in talaabooyinkii ugu dambeeyay ee diblumaasiyadeed ee la qaaday, ay sare u qaadeen rajada ictiraafka Somaliland.


Madaxweynaha Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay ugu dambayn ku guulaysanayso aqoonsiga caalamiga ah ee ay xaqa u leedahay, waxaanu tilmaamay in uu aaminsan yahay in wakhtigan ay muuqato in beesha caalamku ay aqbalayso xaqa Somaliland u leedahay aayo-ka-tashigeeda iyo aqoonsiga madax-bannaanideeda, taas oo ay muddo dheer sugaysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidaas ku shaaciyay waraysi gaar ah oo uu xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa uu ku siiyay Wargeyska caanka ah ee The Guardian, waxaannu caddeeyay in ictiraafka ay Somaliland doonaysay 34kii sannadood ee la soo dhaafay uu soo dhawaaday, oo ay dunidu garwaaqsanayso qaddiyadda aayo-ka-tashiga JSL

"Aqoonsiga dawladnimo wuu soo dhow yahay,” ayuu u sheegay The Guardian Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintu aanay ahayn ama aanay wakhtigan taagnayn ma la aqoonsanayaa Somaliland; hase ahaatee ay tahay goorma ayaa la aqoonsanayaa iyo yaa ugu horreeya ee ictiraafi doona.

Wargeyska The Guardian, wuxuu intaas ku daray in ilo wareedyo laga helay Somaliland ay sheegayaan in rejo laga qabo in madaxweyne Donald Trump uu noqon doono hoggaamiyaha ugu horreeya ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo taas beddelkeeda Maraykanku saldhig millateri ka samaysan doono goob u dhow dekedda Berbera ee istaraatajiga ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu xaqiijiyay inay caalamka bahwadaag kala yihiin dhinaca ammaanka iyo ka hortagga argagixisada. Isaga oo yidhi "Waxaannu nahay bahwadaag xagga amniga ah, waxaanu nahay lammaane ka-hortagga argagixisnimada oo shuraako ku ah waddooyinka nabdoon ee ganacsiga adduunka”.

Waxa kale oo madaxweynaha Somaliland xaqiijiyay in saraakiil sarsare oo ka socday dawladda Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen kuwa u qaabilsan Geeska Afrika ay dhawaan booqasho ku yimaadeen caasimada Hargeysa. Sidoo kalena wuxuu xusay in la filayo in wefti kale oo qiimayn doona istaraatajiyadda Berbera ay dalka iman doonaan.

Sidoo kale, wargeysku wuxuu weriyay in ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay hoosta ka xariiqeen in Maraykanku uu meesha ka saari doono siyaasadiisa duugga ah ee la xidhiidha waxa loo yaqaanno "Soomaali mid ah.” Taasi oo u quus goynaysa dawladda taagta daran ee Soomaaliya, isla markaana la xoojin doono cilaaqaadka Washington la leedahay Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sheegay in uu filayo in Maraykanka iyo dalalka kale ee dunidu ay dib wax uga beddeli doonaan siyaasadoodii ku wajahnayd Soomaaliya.

Geesta kalena, Xoghayihii hore ee Gaashaandhiga dawladda Ingiriiska Xildhibaan Gavin Williamson, ayaa bishii hore warsidaha The Guardian daboolka uga qaaday in masuuliyiin sarsare oo Maraykan ahi u xaqiijiyeen inay aqoonsan doonaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Mr. Gavin wuxuu xusay inuu aaminsan yahay in aqoonsiga Somaliland noqon doono sannadka 2028-ka, waxaannu ku dooday in ka hor inta aanu dhammaanin muddo xileedka xukuumadda Trump- Maraykanku ictiraafi doono Somaliland.
Loading...
Loading...