Sirta ku jirta ducada 4:00 am.
Haddaba, dhammaanteen waxaa jira, xanuuno,
Waxaa jira xilli la sheegay in ducada la aqbalo oo sir ah oo aan dadku ku baraarugsanayn markii laga reebo in yar oo ilaahey waafajiyey oo arkay miraha ducada xilligaas.
Markii habeenka 3 loo qaybiyo, qaybta ugu danbaysa oo ay hurdadu aadka u macaan tahay waa xilli aad u barako badan oo ducada la aqbalo, xilligaas waxaa soo daga malag odhanaya " Yaa ilaahey wax weydiisanaya oo la siiyaa, yaa ilaahey baryaya oo ducadiisa la aqbalaa, iwm" sidaas ayuu wadayaa illaa waagu ka baryayo.
Xilligaasi waa xilligii uu ilaahey Qur'aankiisa kariimka ah ku yidhi markii uu adoomadiisa wanwanaagsan amaanayey[كانوا قليلاً من الليل ما يهجعون, وبالأسحار هم يستغفرون] oo macneheedu oo kooban noqonayo, "adoomada wanaagsan, Habeenkii wax yar ayey ka seexdaan, xilliga danbe ee suxuurtana ilaahey ayey danbi dhaaf weydiistaan."
Haddaba, dhammaanteen waxaa jira, xanuuno, daymo, culaysyo, awlaad la'aan, xoolo la'aan iyo xaalado kale oo ina dhibaya kurbana nagu haya, sidaa darteed, aan ilaahey barino gaar ahaan xilligaa aadka loo amaaney ee ducada la aqbalo, hubaal waxaa ah in natiijo aan ku faraxno la kulmi doono ilaahey idanki, ogowna ilaahey marka uu adoonkiisu baryayo wuu ku fanaa wuuna ku farxaa wuxuuna ilaahey ka xishoodaa in gacmaha adoonkiisu kor u taagey oo maran uu la laabto. Halkaan haddii aad soo gaartey sii faafi oo khayrka gaarsii walaalo badan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...