Maxaad la Murugoonaysaa? Maxaad ka welwelaysaa?
Ma waxaad u heysataa in aadan qurux badneyn
1. Ma waxaad rabtaa lacag badan? 30% dadka Aduunka waa sabool, qaar badan waxay ku noolyihiin 1 Dollar wax ka yar maalintii
2. Ma Noloshaa iska nacday? Bukaan badan oo ay ku xiran tahay Ogsijiinta neefta ayaa Cusbitaalada jiifa wax kastana ku bixinaya si ay u sii noolaadaan
3. Ma waxaad u heysataa in aadan qurux badneyn? Qof baa aad u doonaya inuu sidaada u qurux badnaado, kuwa badan baa Lixaadkoodi waayay hadana qanacsan
4. Ma dhadhanka cuntadaa nacday? Caruur ayaa Gaajo ku seexata habeen kasta oo waxay cunaan aan haysan
5. Ma Adeegashada dukaamada waaweyn ayaad ku daashay? Dad baa qashinka ka dhex raadinaya alaabo
6. Mobile kaa jabay miyaa la murugootay? In badan baa mugdi ku nool oo iftiin koronto arag noloshooda
7. Ma waxaad doonaysay oo aad weyday Saaxiib? Kuwaan xitaa heysan Waalid iyo cid daryeesha oo wadooyinka ku nool
8. Ma Shaqo ayaad wayday mise shaqadi aad haysay ayaad nacday? Malaayiin ayaa shaqeeya 12 saacadood si ay u helaan hal waqti wax ay cunaan
9. Ma dadaal kastoo aad sameysay, derajo kastoo aad heshay ayaad hadana deganaan maskaxeed weyday? Nimcadi Alle ku siiyay ayaad ku shugrin weyday, Alle ayaa kuugu yeeraya in aad u noqoto oo camal wanaagsan samayso
10. Ma qof aad Jeclayd ayaa kaa tagay oo la murugoonaysaa? Ma ogtahay in 8 Bilyan oo qof Dunidan ku nooshahay, weydiiso Alle SWT inuu ku siiyo beddel khayr qaba
11. Ma kuwa Madax noqday, Maal iyo Magac weyn yeeshay ayaad ka maseyrsan tahay? Ma ogtahay intooda badan in aysan si Nabad ah u seexan, Madaxa faaruqin karin stress dartii, keligoodna suuqa dhex socon karin
12. Ma qof war kaa sheegay ayaa la gubatay? Qaar baa xoriyadoodi waayay oo xabsiyada dhex jiifa
Haddaba, ha ku lumin wakhtigaaga tirinta dhibaatada, yaysan kuu muuqan keliya waxyaabaha aadan heysan, Xusuuso oo ku Xamdi-naq nimcooyinka Alle.
Soo qor "Alxamdulilaahâ hadaa ka mid tahay kuwa Alle ku Shugriya
Xigasho Farah Cawaash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...