Xaajigii Liibiya Ee Riyadiisu Rumowday:
Caamir Al-Qadaafi oo u dhashay Liibiya ayaa ku socday dhulka barakaysan, hase yeeshee waxa uu la kulmay qiso hadal-hayn dhalisey.
Magiciisa Qadaafi awgiis, waxa uu maray baadhitaan amni oo dheeraad ah - Gudaha Liibiya - tan oo keentey in la xidho albaabka diyaaradda, iyada oo kolkii uu baadhitaanka ka soo baxayba uu duuliyihii diiday in uu furo albaabka, sidaas ayeyna ku kacday diyaaradda - hase yeeshee Caamir wuxuu ku adkaystay in uusan garoonka ka tegeyn oo uu tegi doono Xajka!
Daqiiqado markii ay sii maqnayd diyaaraddii ka tagtay Caamir waxa ay la kulantay cilad ku khasabtay in ay ku laabto garoonkii ay ka soo kacday, Caamir-na wuu farxay wuxuuna rajeeyey in uu markan raaci doono, balse mar kale duuliyaha ayaa diiday in uu cid habsaantay qaado, wuuna duuley mar kale - balse mar labaad ayey hawada kula kulantay cillad ka culus middii hore, kolkay soo noqotayna wuxuu duuliyaha ku 'qaliyey' in aanu duuli karin Caamir la'aantii!
Caamir Al-Qaafi ugu danbey, waxa si maqaam leh u qaabishey Boqortooyada Sucuudi Careebiya, sheekadiisana waxa isla maanta lagu daabacay wakaaladda dowladda iyo bogga rasmiga ah ee Xaramka barakaysan - iyada oo sumad looga dhigey; Iimaan, Yaqiin & Qaddar!
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!